Tuulada
Qoob-cad waa tuulo go’doonsan. Meel kasta degaan bahallo galeen ah baa ka soo
oodda. Waxa ay ood-wadaag yihiin cadaw, col iyo habardugaag kuwa ugu khatarsan.
Dadkeedu meel ugama bixi karaan. Wixii alle ku siiyo ayey cunaan. Tiro
yar oo u badheedhay bahalada dad-qaadka ah mooyaane oo waayo hore ka
suudaashay. Roobku wuu xilli helaa. Doog buurana kama soo baxo, balse waa
la iska noolaa. Dhib lama qabin. Dadku waa is jeclaa. Qof kasta quutal
daruurigiisa waa heli jiray.
Saluug
wuu jiray oo gashaan-qaadka reeraha iyo odayga gadhcaddaaga ah ee tallada haya
waa laga biyo-diidsanaa siday wax u wadaan. Gar-eexo iyo tallo guracan baa lagu
haystay. Gaajo iyo abaarna lama sheegayn waqtigaas, balse waxay ahayd “Rag
caddaalad waayey sida cawsha kala yaac,” dadku caddaalad darro ayey
tirsanaayeen.
Reeraha
oo iska deggen uun baa mar kaliya qaylo aad cirsan-ka-yeedh mooda meel la garan
waayey ka soo yeedhay. Tolow ma dabayl jin baa la arkay. Ma col baa soo duulay,
mooyi!. Shaw Habar balaayo sheeg ah oo reeraha caan ka ahayd, dadkana kicin
jirtay baa ku dhex dhacday dumarkii iyo carruurta. Baroor bay la oogsaday..
“Hoogayeey..Hogayeey.. Ma talo Oday Lug dheere iyo dirkiisu goyaan baan ku
gunnoobay, goblana ku noqday.” Dadkii oon waxba hubsan baa Guurtii talinaysay
mar kaliya ku kacay. Habrihii, gashaantimihii iyo kuray xooglihii reeraha
intay faraqa dhagax ku gurteen shiid hadhka kaga dhigo Oday
Lugadheere iyo guurtidiisii oo geed hoostii tallo u fadhiya. U shaxaayeyna
siday xoolo uga cuni lahaayeen laba reer oo qudhi kala gaadhay.
Wuu
yaabay, amakaagay, firka naxay, meel alaale meel laga raacay garan
waayey. Hareeruhu eegay, markaasuu arkay odayadii tookha weyna ee u
sheegaayey in reeruhu nabdoon yihiin, dadku dhergeen, cidina aanay cid tebin oo
fadhaqa tiiriyey. Ilayn talla ku caddaatee, waxa markiiba maskaxdiisa ku soo
dhacday maahmaah tidhaahda, ‘Habar fadhida legdin wax uga fudud.’ “Tolaay la
igu qabay meesha. Waar duulku ma raxan libaaxyo ah oo ooman baa. Waar dumar iyo
carruur ka xoog weyne dhagaxaantay tuurayaan ma Maroodi baa la walwaalaayey.”
Intuu sidii qof markaas uun waali aan la ogayn ku soo booday isla booday buu
macawistii uu xidhnaa iyo cumaamadii garabka saartay. Shaw surwaal hooseba ma
xidhna. Oday Luga dheeri isma ogayn ee naf la caaridkii buu kayn jiqa galay.
Hiin
raaga waxaad mooda buufin nin 40 jir ah ku taagsaday. Shan qadh baa u
baxday kaynta dhexdeeda. Geed bilcin ah oo laamaha dhulka daadshay oo
cidhiidhi ah buu hoos galay, sidii sakaaro ay dacawo erayanayso buu jilbaha iyo
madaxa is geliyey. Sida kubbaddu koobay. Meel walba dhiig baa sida qasab
jabtay fayda ka haya. Shaw isma ogee qaawanidii waxa ugu darsantay qodaxda
meelkasta ku libidhay iyo jeexdimaha ooduhu u geysteen. Goor aan goor ahayn
ayuu isagoon waxba ku noolayn indhaha ku dhuftay oday guurtidii talada lagu
riiqmay siisay ka mid ah oo sanqadh tiranaya, ood moodo inuu ugaadhsi yimi,
gaadmana ugu jiro Sakaaro iyo Biciid kolba wixii uu arko.
“Waar
mala isagii maaha…. U eekaa fanto dishay,” markay intaas ka soo baxday buu
geedkii ka soo baxay. Cod ka soo baxa Bina’aadam ka ugu gaaban buu ku
dhawaaqay. Shaw magaciiba wuu ilaabay..”Ee. Aw…Waar magaciisu muxuu
ahaa..Balaayo heshay moojee. Khayr ma lahee ma iska dayaa..”
Odaygii
kale ayaa shaw isna meel gaaban oo ili qabatay ah ka arkay ruuxa mudh iyo
andariirka ah ee sidii hooyadii ku soo dhashay ah. Shaw shaandhkii, cumaamadii
iyo macawistii garbaha u saarnayda jiitin baa kala hadhay Odayga. Meel kasta
dhiig baa ka kaga yaala. Markiiba waxa ku soo dhacday in odaygii Lugadheere ee
u tallin jiray reerka uu waashay. “Waar mala waanad ogayne odaygu dad qal buu
ahaa, carruur uu cunay baa gadoodka keenay,” ayuu niyada iska yidhi. Ma uu
sugin ee caguhu wax ka dayey. Oday Lugadheere oo goorahanba ku maqna xasuusta
magaca odayga ayaa mar qudha sidii wax saar ku soo degay isla booday. “Alla oo
carar bee”. Kama uu hadhin. Fadhaquu ka daba tiiriyey, cagtana cagtuu u saaray.
Waxa markiiba maskaxdiisu isu dirtay farriimo iyo su’aalo. Waar mala
dadkiiba oodda soo jabsay? Waar libaax buu ninku ka cararaya odaygii reer
Biciid, dumar iyo carruur kama carareene? Waar adiguba sawdigii xaska
naf lacaarid la galay ilayn duul loo joogsado mahee?
Odaygii
guurtida ahaa kolba xagga dambuu jaleecaya. Hoostuu ka leeyahay “Waar awoowgii
la gub dheereeye. Waalidana ma duulkii xiin-finiin ah baa u raacay.”
Labadii
oday isla libidh. Raq iyo ruux meel ay dhigeen dib looma arag. Tolow ma xiiq
iyo dal bay u dhinteen. Mayee haraad iyo gaaja laysay. Cabsi bay u
geeriyoodeen. Waa hadal haynta baadi goobkooda intii lagu jiray dadku isku
lahaayeen. Guurtidii kalese kala baaq baaqday. Gadh caddaadigii u talinaayeyna
meeshu ka baxay. Dumar iyo carruur baa guurtidii faanka weynayd meesha ka
tuuray, tuuladii Qoob-cadna u hadhay. Xaaladaas kala guurka ah baa la galay.
Dadkii
maankooda waxa ka guuxaya, isuna sawireen humaag qurux badan. Haddaynu doogi,
barwaaqo heli, xooluhu way inoo dhali. Duulkii Lugadheere abaar, gaajo iyo
darxumay la socdeen oo shaw barigii tallada loo dhiibay baa rooxaan u raacday
baa qof kasta oo tuulada ka mid ah naftiisa kula shawray. Guul baa la
tirsanaayey. Rayn raynta iyo riyaaqa waxaad mooda rax barwaaqada jaqaaya oo
muddo xareed meel ay wadhan tahay aan arag.
Duullaan
aad moodi shinni caydh ah baa mar qudha reerihii ku degay. Mayee waa Duul oomanne
ku raag ah…Haa Duul-Ooman weeyaan. Fool xuma, ma shadaadiin baa, ‘Acuudu
bilaahi mina shaydaani rajiin’, xoog waaweynaa oo been badana xaggay ka
yimadeen baa islaantii Balaayo sheeg ee sahayatay duulkii Lugadheere ku
tiraabtay.
Duul-oomane
waxa hoggaaminaayey nin dagaalyahan ah, garasho dheer, xoog weyn, baryo badan
marka hore, laakiin marka dambe ciduu doono kurka ka gooya. Waa la yaqaan.
Laguu garan. Shaw meel ba kamuu imaan ee waa nin degaanka hore uga baxsaday oo
duulka Lugadheere tallo ay isku fahmi wayeen. Duulka uu hor kacaayo cid laga
garan maayo. Tollow ma jixiimuu ka keenay? Tuullada Qoob-cad miyaanay aqoon? Ma
meel u dhaantay wayeen? Maxay naga soo dooneen Alla midh kama reebaan? Waa
su’aallo dadku is waydiiyeen.
Jaqaaq,
biqiiq, jabnay.. Tolaay… ayuun baa mar qudha yeedhay.. Duulkii-oomanaa ee
duulaanka ahaa shaw shan maalmood oo kaliya markay haysteen tuuladii Qoob-cad
bay carrabka, gacanta iyo cagtaba mariyeen cuntaba, baad biyo iyo wixii
maatidu haysateen. Ragguu sida awr la dhufaanayey xinniyo siibeen.
Cidiba
juuq odhan wayday. Dadku nugula ma gumaysi bay ku noolaayeen.. Mayee dantooday
arkeen oo nafahooday u baqeen. Geesinimadii iyo tuuryadii dhugta weynayd ee
haweenka iyo carruurtu aaway. Ma dadka gaajaysan baa wax tuuri. Roodhi loo daadiya
ku filane, intaas ba waxa is waydiiyey dhawr doob oo reerka ku jiray.
Intii
xoogga lahayd ee socon karaysay waxa ay ka daba suudaaleen qayrkood oo haajiray
duulkan markay arkeen caydhnimadooda. Allaw sahal amuuraha. Cidima kuma hadhin.
Tuuladii waxa isugu soo hadhay oday gadhoose ah, habar jilbaha ka kici wayday
oo roomadiis daashaday.. sawir xoolo leh (nacas), dhabcaal bakhayl ah oo xoolu
uu ku socdaalo quudhi waayey. Duulkii markay arkeen in tuuladii raggii ay
waabin lahaa ka jarmadeen ayey isu habar wacdeen. Dee maxa hadhay. Dhirtaba way
diiran.
Kaba
darane oohintii korka loo maqlaayey hoosta iyo uurka laga ooyey. Ilmo xataa cid
ay ka soo baxda la waayey. Tolaaydu waaba sadde, nin giir iska kiciya oo
indhaha ku taaga la waayey. Dadkii hayin buu wada noqday. Duulkii Oomanaa dulin
bay noqdeen. Waar ma daaniya miyaanay dhergayn. Kuwa waaweyn ha dhergee, qirin
qiirkooda yaa dhergin.. tuuladii waxay taagan tahay “Allaw I bixi oo I
badbaadi..” dadk kuuma noola, baad ma jiro, biyo haba odhan, xoola hadalkooda
daa. Bal adigu ka sitee…. Intii soo hadhay ee guumaysi yeelka noqotay waxa u
raacday sida bahalay is cuneen, ilayn gaaja laynaysa haddanay is cuneene.
Hooyo
ubadkeedii bay laysay si ay safrada isaga biiso. Aabbo wiilkiisa curad buu
iibshay si caloosha ugu buuxsho. Ubadku waalidkood bay birta ka asleen.
Walaaluhu waabay isu soo haliilaan. Jaarkuna hadalkiisaba daa oo cidiba cid ma
ag degto, dad qal baa la wada noqday. Noloshii tuuladaas waxay ku noqotay…”Ha
la qadhaabsado nin laba qado iyo ninaam qadinba…” Duul-oomane waxay qaadeen “La
iskama kacee waa la is cunaa..” Allaw Duul-ooman dadkaas ma helay.
W/Q: Ibraahim Khadar Siciid
(ibraahimkhs@hotmail.com)
