Wallee "Qaaf" ujeeddo leh qiimahayga kuma rido! Magac waa qasaanade, Wallee qado ma dhaafsado! Abwaan Gaariye
Wallee "Qaaf" ujeeddo leh qiimahayga kuma rido! Magac waa qasaanade, Wallee qado ma dhaafsado! Abwaan Gaariye
Thursday, November 12, 2015
11 Jir aan Waalid Lahayd, Xaabadana iibisaa si ay Nolosheeda ugu Kafayso
Sambari Sabar waa 11jir u dhalatay dalka Hindiya, hooyadeed iyo aabbaheed way geeriyoodeen, noloshana waa ku kalideed, sidaa darteed si ay nolol-maalmeedkeeda u kafayso waxay iibisaa xaabada oo ay ka soo gurato kaymaha degaankeeda, balse shaqadaas iyo waalid la’aanta haysata kama hor istaagto waxbarashadeeda oo si joogto ah ayey dugsiga waxbarashada uga tagtaa.
Anil Rai oo ka mid ah macallimiinta u dhiga dugsiga Astakwali, ayaa gabadhan ku ammaanay dedaalkeeda waxbarasho iyo hal-adaygeeda, waxaannu yidhi; “Sombari waa qof aad u yar oo cajiiba, hooyadeed iyadoo aad u yar bay u geeriyootay cudurka Qaaxada (TB), halka aabbaheed Rotan Sabar uu bil ka hor dhintay. Qof qaraabadeeda ah muu u imaan si uu taageero, waxay nooshahay kaligeed oo ay ku nooshay guri qabyo ah, waligeed kamay habsaamin dugsiga, waxaanay ku jirta fasalka 5aad oo aanay maalina ka maqnaan.”
Xaalada iyo hab nololeedka gabadhan yar ee Sombari markii ay ogaadeen ururrada aan dawliga ahayn iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay waxa ay u diyaar garoobeen in ay caawiyaan, tusaale ahaan shirkadaha Tata Steel iyo Ananda Marg Ashram ayaa doonaay waqtigan in ay koriyaan.
“Marka laga yimaado urur qof leeyahay, bangiyada sida Baanka Jamshedpur iyo lammaane macallimiin ah oo ka yimi degaanka Ghatsila ayaa soo dalbaday in gabadhan korsadaan, waxaana codsiyadooda oo dhan loo gudbiyey maamulka degmada, “ ayuu yidhi Mr. Mrityunjay Kumar oo ka mid ah masuuliyiinta Hindiya.
Codsiyada shirkadaha iyo shakhsiyaadka soo dalbaday in ay gabadhan yar korsadaan ayaa loo gudbiyey maamulka dawladda hoose ee degmada, waxaana booqasho ugu tegay gabadhan yar oo soo eegay halka ay ku nooshahay iyo xaaladeeda nololeed Mr. Chanchal Kumari oo degmada u qaabilsan ilaalinta carruurta, isagoo go’aamin doona guri ku habboon oo ay ku noolaato.
“Waxay ahayd riyadii aabbahay inaan aqoon yeesho,” ayey tidhi Sombari oo ka waramaysay sida aabbaheed ula jeclaa aqoonta iyo in ay waxbarashada heer ka gaadho.
Degmada Astakwali oo 12 km ka fog magaalada Dumaria, ayaan wax laydh ah lahayn amma aan laga heli karin gaas, waxaanay tidhi; “Waxa aan hadda ku mashquulsanahay inaan ururiyo xaabo si aan u iibiyo, sababtoo ah maalin dhaw kaymaha lagama helaayo xaabo.”

No comments:
Post a Comment