Thursday, November 12, 2015

Xaflad Aroos: Baadiye iyo Magaalo

Xigasho sawir: Google

Aroosku waa nidaam lammaaneeya amma isu keena laba qof oo is calmadan, la isla jeclaaday amma la isla doonay si ay u yagleelaan qoys mustaqbal oo nolosha dhib iyo dheefba wada qaybsada, sidaa darteed bulsho kasta waxa ay leedhay hab dhaqaneed ay isu guursato amma xafladahooda arooska u qabsato, inkastoo ay waqtiyadan dambe ee nolosha magaaladu ay kala duwan yihiin aroosyada baadiyaha lagu qabsado iyo kuwa meelaha magaalada ah lagu dhigto.
Ma ahi khabiir arooska dhaqameedka ku takhasusay oo cilmigayga ma ah, balse xoogga waxa aan u soo joogay dhacdooyin aan ka bawsan karo amma aan ka baran karo kala duwanaanshaha aroos miyiga iyo magaalada hadda.
Wiil iyo gabadh Soomaali ah marka ay is-masaafaystaan, is-calmadaan, la isu hibbeeyo, la isa siisiyo ee ay ku nool yihiin baadiyaha waxa loo dhiga aroos ka duwan ka magaalada lagu dhigto.

------------------
Baadiyaha habeenka ugu horraysa ee wiilka iyo gabadha la isa siiyo waxa maalinnimada loo yeedha ragga da’ yarta ah ee xoogga ee beesha ku jira si ay u diyaariyaan dadabtii lagu dhigi lahaa gaafka amma dabbaal-dega arooska wiilka iyo gabadha loogu mushxaradaayo.
Dadabtu waxa ay ka kooban tahay udubyo aan masaafo kala fogayn dhulka loogu taago, alool si farshaxannimo leh loogu xardhay maryo kala midabo leh oo indhuhu markay qabtaan aad moodayso in ubax lagu sawiray, qalbiga iyo indhahana soo jiidanaya.
Goobta arooska iyo aroosada, milxiiska iyo milxiisadu fadhiisanayaan waxa lagu aadiya amma lagu tiiriya geed ay dhabar-tiiris ka dhigtaan si marka ay ku tiirsadaan aanay dadabtu ula dumin. Madasha laf ahaanteeda waa goob qaadi karta dad boqol ku dhaw, cawo iyo gogol wixii loo heli karana si gobonnimo ku jirta loo dhiga.
Aminta amma hilaadda la dhammeeyo dadabta dhismaheeda waxa guriga lagu diyaariya cunto isugu jirta caano, hadhuudh, bariis, baasto, hilib (Xoolo markaas uun la qalay) oo dadka hawshooday la siiyo si ay nafta ugu soo celiyaan, tamarna ugu qataan nuurinta iyo qurxinta gaafka.
Marka cadceedu godkeeda gasho ee ay hoyato, cuntada la isku hubsado, bahylahda oo dhana la dhammaystiro qof kastaana helo waqti firaaqo ah waxa intii reerka joogtay sii tegaan dadabta si ay u sii diyaariyaan.
Reer baadiyaha oo inta badan u degen beello beello kala fog oo muddo 15 ku dhaw midkiiba loo kala socdo, haddaan qaar badan baa meel badh amma 2 saacadood loo socdo ka yimaada, waxa ay u soo huleelaan, guura-bahaleeyaan, hadday gud-cur tahayna tooshashka u soo iftiinshaan si ay farxada iyo rayn raynta arooskaas uga qaybqaadan lahaayeen.

--------------------------------
Waan idiin hal dhafee, marka reerka wiilku dadabta adaan haweenka waxa ay ku dhuftaan mushxarad aad moodo in muusig la yeedhinaayo luuqda iyo cod macaanida sida ay isula helaan, doorka ragguna waa in ay rasaas isla oogsadaan si loo muujiyo in nin aan  yarayn amma aan liidan guursaday si dadku u soo buuxiyaan madasha, farxadana ugala qaybqataan.
Goorta la hubsado in la isu yimi oo madasha laga arko dadkii luuqda heesaha, gabayada, ciyaar dhaqameedka ay joogaan ee gayaankii laabbahoodu isu guuxayeen il-qoodha iska eegaan, habluhu afka duubtaan, iyagoo xishood ka muuqdo, dumarnimana muujiyana. Alla qurux badana gabadh xishood dartii afka la duubatay, wiilasha doobabka ahna hoosta ka guuxaan. Waxa la iska dhex doorta nin la wareega maamulka arooska oo loo yaqaan ‘Askari.” Askariga waxa shardi u ah inuu yaqaan heeso badan oo qaraami ah, luuq fiican yahay aan golayaasha istaagooda ka qajilin, dadkana quluubtooda hees amma gabayo ku hanan kara. Labis ahaan waxa la siinaya cumaamad, bakooran amma ul si uu usha amma cumaada ugu taabto qofka uu doonaayo inuu goobta ka heeso.
Waxa kale oo la doorta gole loo yaqaan ‘Maxkamad’ oo laba qof amma saddex ka kooban, kuwaasoo qofka la soo kiciyo heeso ku xukuma amma su’aallo hal-xidhalayaal amma sarbeeb u badan waydiiya, haddii uu garan waayana qofkuna waxa ay awood u leeyihiin in ay ku xukumaan oo heeso amma gabayo ku go’aamiyan in ay la shir yimadaan.
Goobta waxa ay tahay in aan laga waayin wiilal gashaan-qaad ah oo 15 ilaa 18 da’doodu u dhaxayso oo muusig tuma. Muusigu maaha kaban, biyaamo, turubmo la yeedhiyo, fiyoolin amma qalabka casriga ah, balse waa jirikaan, furayaal iyo sinxi jaandi ah, cod ahaan aad moodo in hees kasta laxankeeda lagu samayn karo. Xataa aad kaga maarmi karto muusiga laf ahaantiisa.

--------------------------------
Yaan idin daalin ee Askarigu waxa uu soo kiciya wiil iyo gabadh, halkaasna waa lagu heesa, lagu gabyaa, maansooda, buraanburaa. Dadka qaar suugaan baabay isku weeraraan, waa la isku difaaca, lama kala cadhoodo, la isma dilo, la isma hiifo, kaftanku waa dhaqan jacaylka u muujiya. Aroos aan lagu kaftamina, waxaabad mooda in la isu cadhoonaayo, waa halhayskooda.
Xilli waa ku dhawaad ah baa lagu kala dareera arooska amma xafladda, balse dhallinyarada waxa ay duleedka reerka ka yagleeshaan amma ku soo bandhigtaan ciyaar dhaqameed, gobol kastaba ciyaartii, hadday tahay dhaanto, saylici, Ceeri-gaawi, badar, baar-cadde, wil-wilo, jaan-dheer iwm. Jiib iyo jaanta is qaba, luuqda haweenka ee macaan ee dhegahaaga ku soo dhaca waxay kugu qasbayaan inaad goobta si deg deg ah ugu cararto, reenka raggu waabu ku sii dheerigelinaya oo haddii aad reer magaal tahay iyagaabad odhanaysa kuwan libaax amma bahal dad-qaad ah u soo dhawaan maayo, sababtoo ah ragga goobta isku laba rogayaad dartood geesi ku noqonaysaa. Waa la isu mara rag iyo dumar oo la isu soo baxa, la kala badiya, la kala yaqaan, daawashada iyo joogitaanka madasha indhuhu kugu daali mayaan.
Gaafka waxa gabadha reerkoodu keenaan marka la qabanaayo shandad dhar ah oo ay leedahay, haddii wiilka loo keeno go’ shaal ah, cumaamad iyo dhar wuu iska qataa, waxa la socda baakidho sigaar ah oo ragga madasha jooga lagu taxo si ay qiiqa u buufiyaan, isuna gubaan, jaadku wuu haqal beela ninka cunaaya.
Habeenka ugu xiisaha badan waa habeenkaas, iyadoo ay jiraan habeenno badan oo mid la mid ah habeenkaas loo sii farxo arooska dartiis, walloo degaannada qaar laga mabnuucay in ay gaaf dhigtaan.

--------------------------------
Xaflad aroos ka dhhacda magaalo waynu ka dheragsanahay. Waa madal hudheel qurxoon oo laydh, iftiin, sharaab iyo kuraas lagu sharaxay. Dadka goobta imanaaya waxa qof kastaba u labisan yahay sida maankiisu u sheego inuu ku qurux badan yahay, dadka badankoodu waa isku labis aad moodo in guri kaliya ay ka soo wada baxeen. Qaar baa qurux qaawanaan ka daya. Fanaaniin da’ yar ah baa la isugu yeedha muusiga tunta, qoob-ka-ciyaar laga siman yahay oo marka socdana waa la isla wada qaloociya.
Ragga waxa aad wada moodi malaw xiniin ah, dumarkana gacmaha in laga wada jebiyey, shaw waa xarago. Lab iyo dhedig baa la isula bixi, jibada darteed baa la is hilmaami oo la ilaabi in la is geyo oo is taabashadu kala xaraan tahay.
Baabuur tiro badan oo ijaar wada ah, shidaal ku shaqaynaysa oo biyo aan ku shaqayn, baa goobta la is daba taxaya, koofarka amma warshad qurxunta aadamaha ka daran, maadaama haweenka tirada badan lagu xashaayo, qurux aanay lahayn oo mala-awaal ahna lagaga soo saraayo. Markaad intaa aragto waxa maskaxdu ku waydiinaysa tolow miyaannu kicin odaygta intaas laga qaadaya. Yeelkeede farxada mala uga wanaagsan, armay u fiicnayd in xaajiyada uu siiyo si ay dahab ugu iibsato, mala iyada sidan door biday. Si Alle u daa?
Kharash ahaan ninka miyi ku aroosta iyo magaalo waa kala maan, waana kala nolol, balse farxada habeenkaas waa laga siman yahay oo mid kasta wuu farxaya, sida uu doonayana waa loogu ciyaaraya.

--------------------------------
Haddaba, Soomalidu hababka ay isu guursado waa qaar ka duwan hababka bulshooyinka kale isu guursadaan, inkastoo ay jiraan qaar ay isaga siman yihiin, tusaale ahaan in la isa siiyo amma la isu hibbeeyo lammaana, in ay is calmadaan waa dhaqan guud oo bulshooyinka caalamku ka siman yihiin, balse Somalida hababka ay isu guursadaan amma wiilka gabadha oori uga dhigto waa kuwo tiro badan, waxaana ka mid ah;
  1. Isu hibbayn: inta badan waa hab waalidiintu isu siiyaan ubadka oo yar yar
  2. Is-masaafaysi: wiilka iyo gabadha is calmaday marka ay ka cabsadaan in la isa siin waayo, sababo dhaqaale aawadeed, colaadeed oo labada qoys ka dhaxaysa amma dhinac ka mid ah la liidaayo, waxa ay keenta in ay is-masaafaystaan (Is-la tagaan).
  3. Xig-siisan: Ninka wanaagsan ee reerka la xididka ah ka maarmi waayo wanaagiisa ayaa xig-siisan ahaan loo siiya gabadh amma ninka gabadhu ka dhimatay, marka uu gabadhaas wanaageeda u bogo amma qoyska ay ka soo jeedo ayaa uu dalbada in gabadh ku-xigtay amma gabadha u beddesha oo ay walaalo ahayaeen la siiyo.
  4. Doonis (Calmasho): Wiilka iyo gabadhu marka ay is calmadaan ee ay damcaan in ay is guursadaan, waxa uu wiilku sida dhaqanka ah u tega reerkooda
  5. Dhabar-garaac: Waa guur aan diiniyan bannaanayn, balse dhaqan ahaan soo jiri jiray oo Soomaalidu ku dhaqmi jirtay. Wiilka amma ninka guur doonka ah waxa uu kaxaysan jiray ragga uu is leeyahay way ugu xooggan yihiin, dhiirna yihiin tolkii, kadibna waxa uu qasab ku soo dhici jiray, iyadoo waliba garaac loogu daraayo, gabadh diiday amma uu arkooday oo uu ka baqayo in aanay yeelinn. Waxa kale oo jira habab kale oo Soomaalidu isu guursato oo tiro badan....
--------------------------------
Intaasay iga tahay aniga ee adna maskaxdaada waad ka cabiran, faallana waad ka dhiiban!!!!


W/Q: Ibraahim Khadar Siciid

No comments:

Post a Comment