Saturday, June 11, 2016

Duul-ooman



Tuulada Qoob-cad waa tuulo go’doonsan. Meel kasta degaan bahallo galeen ah baa ka soo oodda. Waxa ay ood-wadaag yihiin cadaw, col iyo habardugaag kuwa ugu khatarsan. Dadkeedu meel ugama bixi karaan.  Wixii alle ku siiyo ayey cunaan. Tiro yar oo u badheedhay bahalada dad-qaadka ah  mooyaane oo waayo hore ka suudaashay. Roobku wuu xilli helaa. Doog buurana kama soo baxo, balse  waa la iska noolaa. Dhib lama qabin. Dadku waa is jeclaa. Qof kasta quutal daruurigiisa waa heli jiray.

 Saluug wuu jiray oo gashaan-qaadka reeraha iyo odayga gadhcaddaaga ah ee tallada haya waa laga biyo-diidsanaa siday wax u wadaan. Gar-eexo iyo tallo guracan baa lagu haystay. Gaajo iyo abaarna lama sheegayn waqtigaas, balse waxay ahayd “Rag caddaalad waayey sida cawsha kala yaac,” dadku caddaalad darro ayey tirsanaayeen.

Reeraha oo iska deggen uun baa mar kaliya qaylo aad cirsan-ka-yeedh mooda meel la garan waayey ka soo yeedhay. Tolow ma dabayl jin baa la arkay. Ma col baa soo duulay, mooyi!. Shaw Habar balaayo sheeg ah oo reeraha caan ka ahayd, dadkana kicin jirtay baa ku dhex dhacday dumarkii iyo carruurta. Baroor bay la oogsaday.. “Hoogayeey..Hogayeey.. Ma talo Oday Lug dheere iyo dirkiisu goyaan baan ku gunnoobay, goblana ku noqday.” Dadkii oon waxba hubsan baa Guurtii talinaysay mar kaliya ku kacay. Habrihii, gashaantimihii iyo kuray xooglihii reeraha  intay faraqa dhagax ku gurteen shiid hadhka  kaga dhigo Oday Lugadheere iyo guurtidiisii oo geed hoostii tallo u fadhiya. U shaxaayeyna siday xoolo uga cuni lahaayeen laba reer oo qudhi kala gaadhay.

Wuu yaabay, amakaagay, firka naxay, meel alaale meel laga raacay garan waayey.  Hareeruhu eegay, markaasuu arkay odayadii tookha weyna ee u sheegaayey in reeruhu nabdoon yihiin, dadku dhergeen, cidina aanay cid tebin oo fadhaqa tiiriyey. Ilayn talla ku caddaatee, waxa markiiba maskaxdiisa ku soo dhacday maahmaah tidhaahda, ‘Habar fadhida legdin wax uga fudud.’ “Tolaay la igu qabay meesha. Waar duulku ma raxan libaaxyo ah oo ooman baa. Waar dumar iyo carruur ka xoog weyne dhagaxaantay tuurayaan ma Maroodi baa la walwaalaayey.” Intuu sidii qof markaas uun waali aan la ogayn ku soo booday isla booday buu macawistii uu xidhnaa iyo cumaamadii garabka saartay. Shaw surwaal hooseba ma xidhna. Oday Luga dheeri isma ogayn ee naf la caaridkii buu kayn jiqa galay.

Hiin raaga waxaad mooda  buufin nin 40 jir ah ku taagsaday. Shan qadh baa u baxday kaynta dhexdeeda.  Geed bilcin ah oo laamaha dhulka daadshay oo cidhiidhi ah buu hoos galay, sidii sakaaro ay dacawo erayanayso buu jilbaha iyo madaxa is geliyey. Sida kubbaddu koobay.  Meel walba dhiig baa sida qasab jabtay fayda ka haya. Shaw isma ogee qaawanidii waxa ugu darsantay qodaxda meelkasta ku libidhay iyo jeexdimaha ooduhu u geysteen. Goor aan goor ahayn ayuu isagoon waxba ku noolayn indhaha ku dhuftay oday guurtidii talada lagu riiqmay siisay ka mid ah oo sanqadh tiranaya, ood moodo inuu ugaadhsi yimi, gaadmana ugu jiro Sakaaro iyo Biciid kolba wixii uu arko.

“Waar mala isagii maaha…. U eekaa fanto dishay,” markay intaas ka soo baxday buu geedkii ka soo baxay. Cod ka soo baxa Bina’aadam ka ugu gaaban buu ku dhawaaqay. Shaw magaciiba wuu ilaabay..”Ee. Aw…Waar magaciisu muxuu ahaa..Balaayo heshay moojee. Khayr ma lahee ma iska dayaa..”

Odaygii kale ayaa shaw isna meel gaaban oo ili qabatay ah ka arkay ruuxa mudh iyo andariirka ah ee sidii hooyadii ku soo dhashay ah. Shaw shaandhkii, cumaamadii iyo macawistii garbaha u saarnayda jiitin baa kala hadhay Odayga. Meel kasta dhiig baa ka kaga yaala. Markiiba waxa ku soo dhacday in odaygii Lugadheere ee u tallin jiray reerka uu waashay. “Waar mala waanad ogayne odaygu dad qal buu ahaa, carruur uu cunay baa gadoodka keenay,” ayuu niyada iska yidhi. Ma uu sugin ee caguhu wax ka dayey. Oday Lugadheere oo goorahanba ku maqna xasuusta magaca odayga ayaa mar qudha sidii wax saar ku soo degay isla booday. “Alla oo carar bee”. Kama uu hadhin. Fadhaquu ka daba tiiriyey, cagtana cagtuu u saaray. Waxa  markiiba maskaxdiisu isu dirtay farriimo iyo su’aalo. Waar mala dadkiiba oodda soo jabsay? Waar libaax buu ninku ka cararaya odaygii reer Biciid, dumar iyo carruur kama carareene? Waar adiguba sawdigii  xaska  naf lacaarid la galay ilayn duul loo joogsado mahee?

Odaygii guurtida ahaa kolba xagga dambuu jaleecaya. Hoostuu ka leeyahay “Waar awoowgii la gub dheereeye. Waalidana ma duulkii xiin-finiin ah baa u raacay.”

Labadii oday isla libidh. Raq iyo ruux meel ay dhigeen dib looma arag. Tolow ma xiiq iyo dal bay u dhinteen. Mayee haraad iyo gaaja laysay. Cabsi bay u geeriyoodeen. Waa hadal haynta baadi goobkooda intii lagu jiray dadku isku lahaayeen. Guurtidii kalese kala baaq baaqday. Gadh caddaadigii u talinaayeyna meeshu ka baxay. Dumar iyo carruur baa guurtidii faanka weynayd meesha ka tuuray, tuuladii Qoob-cadna u hadhay. Xaaladaas kala guurka ah baa la galay.

Dadkii maankooda waxa ka guuxaya, isuna sawireen humaag qurux badan. Haddaynu doogi, barwaaqo heli, xooluhu way inoo dhali. Duulkii Lugadheere abaar, gaajo iyo darxumay la socdeen oo shaw barigii tallada loo dhiibay baa rooxaan u raacday baa qof kasta oo tuulada ka mid ah naftiisa kula shawray. Guul baa la tirsanaayey. Rayn raynta iyo riyaaqa waxaad mooda rax barwaaqada jaqaaya oo muddo xareed meel ay wadhan tahay aan arag.

Duullaan aad moodi shinni caydh ah baa mar qudha reerihii ku degay. Mayee waa Duul oomanne ku raag ah…Haa Duul-Ooman weeyaan. Fool xuma, ma shadaadiin baa, ‘Acuudu bilaahi mina shaydaani rajiin’, xoog waaweynaa oo been badana xaggay ka yimadeen baa islaantii Balaayo sheeg ee sahayatay duulkii Lugadheere ku tiraabtay.

 Duul-oomane waxa hoggaaminaayey nin dagaalyahan ah, garasho dheer, xoog weyn, baryo badan marka hore, laakiin marka dambe ciduu doono kurka ka gooya. Waa la yaqaan. Laguu garan. Shaw meel ba kamuu imaan ee waa nin degaanka hore uga baxsaday oo duulka Lugadheere tallo ay isku fahmi wayeen. Duulka uu hor kacaayo cid laga garan maayo. Tollow ma jixiimuu ka keenay? Tuullada Qoob-cad miyaanay aqoon? Ma meel u dhaantay wayeen? Maxay naga soo dooneen Alla midh kama reebaan? Waa su’aallo dadku is waydiiyeen.

Jaqaaq, biqiiq, jabnay.. Tolaay… ayuun baa mar qudha yeedhay.. Duulkii-oomanaa ee duulaanka ahaa shaw shan maalmood oo kaliya markay haysteen tuuladii Qoob-cad bay  carrabka, gacanta iyo cagtaba mariyeen cuntaba, baad biyo iyo wixii maatidu haysateen. Ragguu sida awr la dhufaanayey xinniyo siibeen.

Cidiba juuq odhan wayday. Dadku nugula ma gumaysi bay ku noolaayeen.. Mayee dantooday arkeen oo nafahooday u baqeen. Geesinimadii iyo tuuryadii dhugta weynayd ee haweenka iyo carruurtu aaway. Ma dadka gaajaysan baa wax tuuri. Roodhi loo daadiya ku filane, intaas ba waxa is waydiiyey dhawr  doob oo reerka ku jiray.

Intii xoogga lahayd ee socon karaysay waxa ay ka daba suudaaleen qayrkood oo haajiray duulkan markay arkeen caydhnimadooda. Allaw sahal amuuraha. Cidima kuma hadhin. Tuuladii waxa isugu soo hadhay oday gadhoose ah, habar jilbaha ka kici wayday oo roomadiis daashaday.. sawir xoolo leh (nacas), dhabcaal bakhayl ah oo xoolu uu ku socdaalo quudhi waayey. Duulkii markay arkeen in tuuladii raggii ay waabin lahaa ka jarmadeen ayey isu habar wacdeen. Dee maxa hadhay. Dhirtaba way diiran.

Kaba darane oohintii korka loo maqlaayey hoosta iyo uurka laga ooyey. Ilmo xataa cid ay ka soo baxda la waayey. Tolaaydu waaba sadde, nin giir iska kiciya oo indhaha ku taaga la waayey. Dadkii hayin buu wada noqday. Duulkii Oomanaa dulin bay noqdeen. Waar ma daaniya miyaanay dhergayn. Kuwa waaweyn ha dhergee, qirin qiirkooda yaa dhergin.. tuuladii waxay taagan tahay “Allaw I bixi oo I badbaadi..” dadk kuuma noola, baad ma jiro, biyo haba odhan, xoola hadalkooda daa. Bal adigu ka sitee…. Intii soo hadhay ee guumaysi yeelka noqotay waxa u raacday sida bahalay is cuneen, ilayn gaaja laynaysa haddanay is cuneene.

Hooyo ubadkeedii bay laysay si ay safrada isaga biiso. Aabbo wiilkiisa curad buu iibshay si caloosha ugu buuxsho. Ubadku waalidkood bay birta ka asleen. Walaaluhu waabay isu soo haliilaan. Jaarkuna hadalkiisaba daa oo cidiba cid ma ag degto, dad qal baa la wada noqday. Noloshii tuuladaas waxay ku noqotay…”Ha la qadhaabsado nin laba qado iyo ninaam qadinba…” Duul-oomane waxay qaadeen “La iskama kacee waa la is cunaa..” Allaw Duul-ooman dadkaas ma helay.

W/Q: Ibraahim Khadar Siciid (ibraahimkhs@hotmail.com)