Saturday, May 9, 2015

Haweenaydii Qoomiyadeeda Adoonsiga ka Xorraysay, Cabsi la’aan iyo Geesinimadana Caanka ku ahayd



Haweenaydii Qoomiyadeeda Adoonsiga ka Xorraysay, Cabsi la’aan iyo Geesinimadana Caanka ku ahayd

 

Nanny waxay ahayd hoggaamiye, halyeeyad sida dadkeedu u yaqaaneen, qolada ka soo horjeedana falaago, caaqilad, wadaadad, boqorad iyo hooyo.
Haddabam narjat taariikhdu ahayd ku dhawaad 1728kii ayaa boqor Nanny noqotay hoggaamiyaha, taliyaha iyo caaqilka dhaqdhaqaaq doonkii Windward Maroons oo doonaayey in ay adoonsiga ka xaroomaan, waxaannu dagaalkeedu socday ilaa 1749kii, iyadoo waqti yar kadib Maroons heshiis nabadeed la saxeexdeen Ingiriiska, gaar ahaan waqtigaas waxa uu ka soo bilaabmaayey 1728 ilaa 1734kii sida lagu sheegay Buugga la yidhaa Cary 1970 buggiisa 20aad.
Sidaa darted, si loo fahmo boqorada Nanny iyo hadafyadeedii, maadaama ay meel muhiim ah kaga jirto taariikhda dalka Jamaican amma dadka madaw ee Latin Amerika ku nool, waxa aad u muhiim ah in taariikhda Maroon xoogga laga xuso, lana ogaado asal ahaan halka ay ka soo jeedaan amma laga soo qaaday si loo adoonsado.
Maroons asal ahaan waxay ka soo jeedaan boqortooyadii la odhan jiray Ashantii, taasoo ahayd halka hadda dalka Ghana ku yaal oo waqtigaas ahayd meelaha ugu badan ee addoonta loo doonan jiray, waxaana la keenay dalka Jamaica si beeraha loogu falo amma ay dhir beeris u sameeyaan, shaqada ay qaban jireen waxay ahayd mid aad u adag oo noole inuu qabto ku adkayd, sababtoo ah adoonta looma haysan in ay  bin’aadam yihiin amma qiimo leeyihiin.
Markii ciqaab iyo caddaadis badan ay la kulmeen qofka lagu arko inuu soo jeedana la khaarajiyo amma jidh dil aanu ka soo waaqsan lagu sameeyo, waxa qasab ku ahayd in raggu sida xoolaha hogtaan amma foorar hawsha loo diro ku dhammeeyaan.
Boqor Nanny oo waqtigaas aan ahayd hoggaamiye ayaa ka soo mudh tidhi dadkii la adoon sanaayey, iyadoo qarnigii 18aad bilawday kacdoon amma iska cabin lagaga soo horjeeday adoonsiga dadkeeda lagu hayey, kaasoo ku salaysnaa dhaqanka Afrika.
Asbaabaha keenay in ay iyadoo haweenay ah dagaal gasho waxa ka mid ahaa in markii afar wiil oo ay la dhalatay lagu xukumay in ay si adag u shaqeeyaan, taasina keentay in calool dabacdo, adkaysan waydana dhibaatada iyo ciqaabta lagu hayo qoyskeeda iyo qoomiyadeeda.
Waxa ay go’aansatay in ay ka baxsato xerada amma halka lagu hayey adoonta ee ay beer falida ka wadeen, waany u suuragashay, iyadoo ay raaceen wiilashay la dhalatay iyo rag kale, kadib waxay u gudbeen buuralayda Jamaica.
Buuraha ay gashay waxay ka aasaastay is-maamul iyo bulsho xor ah oo la yidhaa Maroons, halkaasna waxay ka dhisteen degaan amma magaalo ay u bixisay Tuulada Nanny, waxaana boqorad, caaqilad iyo hoggaamiyee diimeed ba ka noqotay Nanny.
Sidoo kale waxa laf ahaanteeda xornimo doon ka socdeen Brazil iyo Haiti. Sidaa darteed,  waxa uu dhaqdhaqaaqa iyo iska caabinta Nanny ku qotomay caqiiqada iyo dhaqanka Afrika inuu noqdo mid la qiimeeyo, iyadoo waliba ku socotay in jihad loo galo iska xorraynta adoonsiga.
Waxa ay qoomiyada halkaas joogay ku dhaadan jireen magaceeda, iyada laf ahaanteedu waxay doonaysay in ay midayso qoomiyada ku wada hadla luuqada Onyankopong (Twi iyo Ashanti luuqadahooda) iyo waliba in ay degaanka ay buuraha ka aasaastay difaacdo si bulshadeedu adoonsiga uga badbadaan.
Maamulkii ay ka talinaysay ee Maroons waxa ay samaysteen ciiddan awood badan, kuwaasoo dagaallo ku soo qaada goobaha dhir beerista laga waday ee adoonta ka shaqaynayeen si ay u xorreeyaan dadka la adoonsado.
Waxa ay isku soo wada qarin jireen dhir si aan loo kala garan iyaga iyo degaanka amma kaymaha, taasoo u ahayd xeelad dagaal. Waxyaabaha ay gurmadka ku dalban jireen amma ay ku wada xidhiidhi jireen waxa ka mid ahaa geeska lo’da amma goodirka oo ay isu yeedhin jireen, taasoo ay uga gol lahaayeen in aan cadawgu fahmin marka ay isu baqayaan. Goob kasta oo ay dagaalka ku qaadaan way gubi jireen, kadib waxay ku guulaysteen in ay xoreeyaan 1000 addoon ah.
Mar kasta oo Nanny iyo ciidammadeedu go’doomaan oo gaajo dareemaan waxa lagu yaqaanay in ay baryaan waxyaabahay caabudi jireen ee awoowayaashood ay ka soo gaadheen, kadib waxa mucjiso ahayd in ducadooda Ilaahay u aqbali jiray oo  heli jireen cunto.
Adoonsadayaashii waxay guumaystihii Ingiriisiga maamuladiisii waydiisteen in arrintaas uu falcelin ka sameeyo oo uu weerar ku qaado dagaalyahannada Maroonska, kana hortago khatarta gabadhan iyo ciidammadeedu keenayaan, oo sababi karta in xataa waddamada awoodda badan adoonta ay haystaan kacdoon samayso, taasina waxay sababtay in Ingiriisku soo diro ciidammo weerar ku qaada kaymaha Jamaica ee ay Nanny iyo millatarigeedu ku jireen.
Dhacdadii waqtigaas dhacday waxay sababtay taariikhdyahannadu way ku doodaan, inkastoo 1734 la burburiyey magaaladii ay kaymaha ka aasaastay Nanny, taariikhyahannaduna sheegaan in halkaas lagu dilay.
Boqorad Nanny waxa ay rumaysan yihiin Maroons in ay nooshahay oo ay wali ku dhex jirto bulshadooda, balse Nanny waxa lagu aasay magaallo la yidhaa New Nanny Town (Maroon Town), waxaana mar walba la dhigaa xabaasheeda laba koob oo biyo ku jiraan, iyagoo aaminsan in ay xabaasha inta ay ka soo baxdo cabayso markay haraado sida uu xusay taariikhyahan Jaamacadda Boston ka tirsan oo sannadkii 1931 dhacdada Nanny wax ka qoray.
Maroons waxay maalin iyo habeen hadal hayaan magaceeda ilaa haddana waxa loo bixiyaa ubadka amma hoggaamiyayaasha millateriga ee geesinimadooda ay ka yaabaan, waxaana ka qayb noqotay luuqada Jamaica meelo ka mid ah lagaga hadlo in erayada qaar la soo raaciyo amma xikmad ba looga dhigo.



Ibraahim Khadar Siciid (ibraahimkhs@hotmail.com)



 Tix-raac

1.     http://africanhistory-histoireafricaine.com/en/2015/04/01/nanny-the-ashanti-freedom-fighter-of-jamaica/



4.      Kopytoff 1973, p. 29

5.      Thurloe 1656, p. 605.

No comments:

Post a Comment