Haweenaydii Qoomiyadeeda Adoonsiga ka Xorraysay, Cabsi la’aan iyo Geesinimadana Caanka ku ahayd
Nanny waxay ahayd
hoggaamiye, halyeeyad sida dadkeedu u yaqaaneen, qolada ka soo horjeedana
falaago, caaqilad, wadaadad, boqorad iyo hooyo.
Haddabam narjat
taariikhdu ahayd ku dhawaad 1728kii ayaa boqor Nanny noqotay hoggaamiyaha,
taliyaha iyo caaqilka dhaqdhaqaaq doonkii Windward Maroons oo doonaayey in ay
adoonsiga ka xaroomaan, waxaannu dagaalkeedu socday ilaa 1749kii, iyadoo waqti
yar kadib Maroons heshiis nabadeed la saxeexdeen Ingiriiska, gaar ahaan
waqtigaas waxa uu ka soo bilaabmaayey 1728 ilaa 1734kii sida lagu sheegay
Buugga la yidhaa Cary 1970 buggiisa 20aad.
Sidaa darted, si loo
fahmo boqorada Nanny iyo hadafyadeedii, maadaama ay meel muhiim ah kaga jirto
taariikhda dalka Jamaican amma dadka madaw ee Latin Amerika ku nool, waxa aad u
muhiim ah in taariikhda Maroon xoogga laga xuso, lana ogaado asal ahaan halka
ay ka soo jeedaan amma laga soo qaaday si loo adoonsado.
Maroons asal ahaan waxay ka soo jeedaan boqortooyadii
la odhan jiray Ashantii, taasoo ahayd halka hadda dalka Ghana ku yaal oo
waqtigaas ahayd meelaha ugu badan ee addoonta loo doonan jiray, waxaana la
keenay dalka Jamaica si beeraha loogu falo amma ay dhir beeris u sameeyaan,
shaqada ay qaban jireen waxay ahayd mid aad u adag oo noole inuu qabto ku
adkayd, sababtoo ah adoonta looma haysan in ay
bin’aadam yihiin amma qiimo leeyihiin.
Markii ciqaab iyo caddaadis badan ay la kulmeen qofka
lagu arko inuu soo jeedana la khaarajiyo amma jidh dil aanu ka soo waaqsan lagu
sameeyo, waxa qasab ku ahayd in raggu sida xoolaha hogtaan amma foorar hawsha
loo diro ku dhammeeyaan.
Boqor Nanny oo waqtigaas aan ahayd hoggaamiye ayaa ka
soo mudh tidhi dadkii la adoon sanaayey, iyadoo qarnigii 18aad bilawday kacdoon
amma iska cabin lagaga soo horjeeday adoonsiga dadkeeda lagu hayey, kaasoo ku
salaysnaa dhaqanka Afrika.
Asbaabaha keenay in ay iyadoo haweenay ah dagaal gasho
waxa ka mid ahaa in markii afar wiil oo ay la dhalatay lagu xukumay in ay si
adag u shaqeeyaan, taasina keentay in calool dabacdo, adkaysan waydana
dhibaatada iyo ciqaabta lagu hayo qoyskeeda iyo qoomiyadeeda.
Waxa ay go’aansatay in ay ka baxsato xerada amma halka
lagu hayey adoonta ee ay beer falida ka wadeen, waany u suuragashay, iyadoo ay
raaceen wiilashay la dhalatay iyo rag kale, kadib waxay u gudbeen buuralayda
Jamaica.
Buuraha ay gashay waxay ka aasaastay is-maamul iyo
bulsho xor ah oo la yidhaa Maroons, halkaasna waxay ka dhisteen degaan amma
magaalo ay u bixisay Tuulada Nanny, waxaana boqorad, caaqilad iyo hoggaamiyee
diimeed ba ka noqotay Nanny.
Sidoo kale waxa laf ahaanteeda xornimo doon ka socdeen
Brazil iyo Haiti. Sidaa darteed, waxa uu
dhaqdhaqaaqa iyo iska caabinta Nanny ku qotomay caqiiqada iyo dhaqanka Afrika
inuu noqdo mid la qiimeeyo, iyadoo waliba ku socotay in jihad loo galo iska
xorraynta adoonsiga.
Waxa ay qoomiyada halkaas joogay ku dhaadan jireen
magaceeda, iyada laf ahaanteedu waxay doonaysay in ay midayso qoomiyada ku wada
hadla luuqada Onyankopong (Twi iyo Ashanti luuqadahooda) iyo waliba in ay
degaanka ay buuraha ka aasaastay difaacdo si bulshadeedu adoonsiga uga
badbadaan.
Maamulkii ay ka talinaysay ee Maroons waxa ay
samaysteen ciiddan awood badan, kuwaasoo dagaallo ku soo qaada goobaha dhir
beerista laga waday ee adoonta ka shaqaynayeen si ay u xorreeyaan dadka la
adoonsado.
Waxa ay isku soo wada qarin jireen dhir si aan loo
kala garan iyaga iyo degaanka amma kaymaha, taasoo u ahayd xeelad dagaal.
Waxyaabaha ay gurmadka ku dalban jireen amma ay ku wada xidhiidhi jireen waxa
ka mid ahaa geeska lo’da amma goodirka oo ay isu yeedhin jireen, taasoo ay uga
gol lahaayeen in aan cadawgu fahmin marka ay isu baqayaan. Goob kasta oo ay
dagaalka ku qaadaan way gubi jireen, kadib waxay ku guulaysteen in ay xoreeyaan
1000 addoon ah.
Mar kasta oo Nanny iyo ciidammadeedu go’doomaan oo
gaajo dareemaan waxa lagu yaqaanay in ay baryaan waxyaabahay caabudi jireen ee
awoowayaashood ay ka soo gaadheen, kadib waxa mucjiso ahayd in ducadooda
Ilaahay u aqbali jiray oo heli jireen
cunto.
Adoonsadayaashii waxay guumaystihii Ingiriisiga
maamuladiisii waydiisteen in arrintaas uu falcelin ka sameeyo oo uu weerar ku
qaado dagaalyahannada Maroonska, kana hortago khatarta gabadhan iyo ciidammadeedu
keenayaan, oo sababi karta in xataa waddamada awoodda badan adoonta ay haystaan
kacdoon samayso, taasina waxay sababtay in Ingiriisku soo diro ciidammo weerar
ku qaada kaymaha Jamaica ee ay Nanny iyo millatarigeedu ku jireen.
Dhacdadii waqtigaas dhacday waxay sababtay
taariikhdyahannadu way ku doodaan, inkastoo 1734 la burburiyey magaaladii ay
kaymaha ka aasaastay Nanny, taariikhyahannaduna sheegaan in halkaas lagu dilay.
Boqorad Nanny waxa ay rumaysan yihiin Maroons in ay
nooshahay oo ay wali ku dhex jirto bulshadooda, balse Nanny waxa lagu aasay
magaallo la yidhaa New Nanny Town (Maroon Town), waxaana mar walba la dhigaa
xabaasheeda laba koob oo biyo ku jiraan, iyagoo aaminsan in ay xabaasha inta ay
ka soo baxdo cabayso markay haraado sida uu xusay taariikhyahan Jaamacadda
Boston ka tirsan oo sannadkii 1931 dhacdada Nanny wax ka qoray.
Maroons waxay maalin iyo habeen hadal hayaan magaceeda
ilaa haddana waxa loo bixiyaa ubadka amma hoggaamiyayaasha millateriga ee
geesinimadooda ay ka yaabaan, waxaana ka qayb noqotay luuqada Jamaica meelo ka
mid ah lagaga hadlo in erayada qaar la soo raaciyo amma xikmad ba looga dhigo.
Ibraahim Khadar Siciid (ibraahimkhs@hotmail.com)
Tix-raac
1. http://africanhistory-histoireafricaine.com/en/2015/04/01/nanny-the-ashanti-freedom-fighter-of-jamaica/
4.
Kopytoff 1973, p. 29
5.
Thurloe 1656, p. 605.

No comments:
Post a Comment