Thursday, November 12, 2015

Afrikanku Dhalmada Ma Dhaqaale La'aanta Loogu Beddelaya

Waa run oo waa xikmad Ilaahay bina'aadamka siiyo dhalmadu, balse dunidu amma qaaraduhu way kala dhalmo badan yihiin, sida dadkuba u kala badan yihiin, gaar ahaan qarniyadii hore waxa ugu dhalma badnaa Qaara Eeshiya, gaar ahaan waddamada Shiiniiska ah, waana sababta ay u bateen, balse hadda waa kuwa ugu dhalmada yar oo waxay ka soo saareen siyaasado ay ku xakamaynayaan dhalmada badan, kadib sababo dhaqaale aawadeed, halka Hindiya laf ahaanteedu ka mid tahay waddama Eeshiya ugu dhalmada badan, balse sidii hore loogu yaqaanay maaha.

Qarnigan aynu ku jirno waddanka Japan waxa uu hore hoggaaminaayey inuu yahay waddanka ugu yar ee dad ku dhashaan, balse waxa ka hoos maray dalka Jarmalka, sababtoo ah waxa shantii sanno ee la soo dhaafay 1,000 qof ee degaan ku wada nool u dhashay 8.2 carruur ah, halka Japan ay u dhasheen 8.4 carruur ah 1,000 ee meel ku wada dhaqan isla xilligaas.

Haddaba, cilmi-baadhis uu dhawaan soo saaray mac-hadka la yidhaa HWWI  (Hamburg Institute of International Economics) waxa lagu iftiimiyey in waddamada in waddamada Burtugal iyo Talyaaniga ay 1,000 qof ee meel ku wada nool 9.0 iyo 9.3 ubad ah u dhasheen shantii sanno ee la soo dhaafay, halka  Faransiiska iyio Ingiriiska dadka tiradaas leeg iyo waqtigaas ba ay u dhasheen 12.7 carruur ah.

Haddaba, Qaarada Afrika waddanka ugu dhalmada badan waa dalka Nijer, sababtoo ah shantii sanno ee la soo dhaafay 1,000 ee meel degen waxa u dhashay 50 bubad ah, waxa aad aragta farqiga u dhaxeeya Afrika, Eeshiya iyio Yurub, balse haddii aan su'aal idin waydiiyo.

Haddaba, waddamada reer Yurub waxa ay ka baqayaan dhalmo yaraantan, sababtoo ah haddii xoogg shaqaaluhu hoos u dhaco waxa yaraada dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalkaas, halka Somalida ubadkeedu tahriibaan, mise tolow waxaanay ka baqay dad yaraan oo qoyskiiba ugu yaraan 4 ubad ah buu dhalaa?

Maxaad u malaynaysaan in Somalida ay u dhashaan 1,000 qof ee meel ku wada nool?

No comments:

Post a Comment