Waa run oo waa xikmad Ilaahay bina'aadamka siiyo dhalmadu, balse
dunidu amma qaaraduhu way kala dhalmo badan yihiin, sida dadkuba u kala
badan yihiin, gaar ahaan qarniyadii hore waxa ugu dhalma badnaa Qaara
Eeshiya, gaar ahaan waddamada Shiiniiska ah, waana sababta ay u bateen,
balse hadda waa kuwa ugu dhalmada yar oo waxay ka soo saareen siyaasado
ay ku xakamaynayaan dhalmada badan, kadib sababo dhaqaale aawadeed,
halka Hindiya laf ahaanteedu ka mid tahay waddama Eeshiya ugu dhalmada
badan, balse sidii hore loogu yaqaanay maaha.
Qarnigan
aynu ku jirno waddanka Japan waxa uu hore hoggaaminaayey inuu yahay
waddanka ugu yar ee dad ku dhashaan, balse waxa ka hoos maray dalka
Jarmalka, sababtoo ah waxa shantii sanno ee la soo dhaafay 1,000 qof ee
degaan ku wada nool u dhashay 8.2 carruur ah, halka Japan ay u dhasheen
8.4 carruur ah 1,000 ee meel ku wada dhaqan isla xilligaas.
Haddaba,
cilmi-baadhis uu dhawaan soo saaray mac-hadka la yidhaa HWWI (Hamburg
Institute of International Economics) waxa lagu iftiimiyey in waddamada
in waddamada Burtugal iyo Talyaaniga ay 1,000 qof ee meel ku wada nool
9.0 iyo 9.3 ubad ah u dhasheen shantii sanno ee la soo dhaafay, halka
Faransiiska iyio Ingiriiska dadka tiradaas leeg iyo waqtigaas ba ay u
dhasheen 12.7 carruur ah.
Haddaba, Qaarada Afrika waddanka
ugu dhalmada badan waa dalka Nijer, sababtoo ah shantii sanno ee la soo
dhaafay 1,000 ee meel degen waxa u dhashay 50 bubad ah, waxa aad aragta
farqiga u dhaxeeya Afrika, Eeshiya iyio Yurub, balse haddii aan su'aal
idin waydiiyo.
Haddaba, waddamada reer Yurub waxa ay ka
baqayaan dhalmo yaraantan, sababtoo ah haddii xoogg shaqaaluhu hoos u
dhaco waxa yaraada dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalkaas, halka Somalida
ubadkeedu tahriibaan, mise tolow waxaanay ka baqay dad yaraan oo
qoyskiiba ugu yaraan 4 ubad ah buu dhalaa?
Maxaad u malaynaysaan in Somalida ay u dhashaan 1,000 qof ee meel ku wada nool?
No comments:
Post a Comment