Alla xilliyada gu’ga jecliya baadiyaha. Abaar baa shaw jirta hadda
in aan sharraxo oon sawirro dee mala uur-ku-taalay dadka ku abuuraysa.
Yeelkeede barwaaqo iyo jilaal-cadaadigaba Alla keenee, waana ku cimro
qaadashe. Xilligu waxa uu ahaa gu’ wishiiriga shimbiraha, jiriqaaga,
raha iyo cayayaanka barwaaqadu keento aad moodo muusig. Biyaha iyo xareeda
galac leh dhijaamahana nadiiftooda aad odhanayso yaan afkaba ka qaadin.
Dhulka caddaanka iyo nadiifta gogoshaba isaga ka wanaagsan, haddii aan
gabay aqaan amma sugaan dhiidhi aan ahayn waaban sii dayn lahaa erayo
laga yaabo. Tiix aan hore kuu qoynayn baa si maalin le ah u da’a. Dooga
amma timo-haweenlaha cawska la yidhaa ee dhulka ka baxay waxa uu
qarinaya ilmo 6 jir ah.
=========================
Manka
dhirta ka baxay udgoonkiisa waxaad mooda aqal aroos ah oo aan laga
toddoba bixin oo gabadh gaari ah heshay, udug iyo carfina ku shiday.
Sankaad la raacaysa saxan saxada udgoonkeeda. Neecawda dhacaysa waxa ay
maskaxdaada geynaysa meel aanad ka soo waaqsanayn oo jannada aad moodo
in ay u dhaw dahay.
Xoolaha biraanbirqadooda, geela reenkiisa iyo
ololkiisa waxa qofka yaqaan uu moodaya in uu helay hees faneed uu aad u
jecla oo jacayl iyo boog ku taalay soo taabanaysa.
Ciirta reeruhu
waxay ku shubaan hogag marka cid cabta la waayo, gadhoodh, maydhanaan,
jakaw, jinaw iyo dhayba waa laga haqab belay, xoolaha cidi ma raacdo oo
kambalku daaqa.
Haluhu gabno ma laha oo iyadoo aan nirgaba lagu
sii dayn bay magoobaan, hooraan caano amma cadhadu darartaa caano
dartood, halaha qaar baan laga lisin nirgaha.
=========================
Kur
madawda iyo geeslaydu waaba muush oo dacawadu hadday ka dheregto lama
tebo badni aawadeed, maqasha sararaha ka wada naaxay ee farawgu ku wada
dhigay isha ku tegaysa oo haddii aanad shaydaanka ka naarin waabad
cawryi.
Xilliyada caddada da’ yartu way cadaloolaan, hasaawo
gaadhkuna waxa ay isla oogtaan ciyaaro baar-cadde, jaan-dheer iyo
dhaantadu ugu caansan tahay, oo luuqda hablaha ee macaan dhegtaadu
markay ku dhacdo aad jeclaysanayso.
Deegaanka aad ila aragtay
ayaan booqasho ku tegay waqti aan ku jiray fasax ka mid ah fasaxyada
dugsiyada hoose lagu bixiyo. Hargeysa waxa aan ka baxay goor duhurnimo
ah, gaadhi nooca loo yaqaanay haddaba waaba gabaabsi amma laba arkee
Sabaaxa ayaan dhighiisa sare ku booday, dadka xagga sare saarna waxay u
badnaayeen dad safar ah iyo qaar caano doonanaya. Waxa uua gaadhigu
nala socdo, nala guureeyo, waxa aan gaadhnay fiid magaaladii u xigtay
kobtii aan doonaynay.
=========================
Iska
seexanay oo soor wixii aan ka helaynay cunay, caanana nalagu harqi,
dadka miyiga jooga gobsana, cuntadu waa lacag la’aan, hilibku shillin
lagu waydiin maayo, caanaha waaba lagaa dhargin. Qofka aan hore u arag
ee magaalo jooga ku weynaaday amma aan miyiba dhaayaha saarin wuxuu is
odhanaya dadka jooga mala dambi maba laha.
Daakiraadii
subaxnimo ayaanu ka huleelnay, waxa aan qaadnay dhabihii loo maraayey
reerka, indhuhu intii hore degaanka bilcoon ee doogan, roobkuna
maasheeyey way jeclaysanaayeen, balse daal carruurnimo qurux ma yaqaane,
waxaan waydiiyey gadh-wadeenkii ila socday in ay dhaw dahay goobtii aan
ku soconay iyo in kale. Carruureey ba’ waxa sheeda uu iga tusay hirka
amma humaag beeneedka muuqda oo haddii aanad garanayd aad is odhanayso
waad gaadhay il ka aragtay buu kuu jira reerkii, balse wax aan ordo,
isku dayo inaan gaadho mar dambe oon quustay soconayna ku dhawaad saacad
iyo badh, ayaan waydiiyey hoggaamiyayahaygii in aan la gaadhayn
meeshii.
Adigu gaadhnay goobtii hadafkayagu ahaa,
habeennimadii iyadoo la hurdo oo ay intii wayeelka ahayd seexatay baan
aqal laba daryaale ah ood moodo in reer hadda ku aqal galay albaabka ka
istaagnay, hore u soconay.
Cabbaar markaan fadhiyey baan
dhinacayga ka arkay ‘Xayawaan madaw’ ul aan sitay baan isla kala jiiday
oo shaw waa neef waxar ah oo markaas dhalatay, bacaraarkaaban jebiyey.
=========================
Qaaqdii
neefka ayaa la isla oogtay intii huriday oo ay moodeen in bahal cirka
ula booday…’Alla Ina Garro ka reeba bahalka…Alla ka qabta iyada ka
hadhay intii tafiirta wanaagsanayde…’ hadaladii lex-jecladu ka muuqatay
ee haweenka ku cataabeen bay ka mid ahayd. Goor dambe la arag in neefkii
naftii ka aguugtay oo uu bakhtiyey. Marti waxyeelo la socotaan ahaaye
la iska xishood.
Waliba waxa la igu maamuusay dux aan garan waayey
markii hore oo macaanka iyo dhanaan isku jira ah oo marka aad
dhadhamiso maskaxda aad moodo in ay ka soo go’ayso hammuun ku raagtay.
=========================
“Cuntadan
maxa la yidhaa,” ayaan su’aalay waalidkii i siiyey….Miyaanad aqoon
Heemaar baa la yidhaa. Waxa laga sameeya subaga xoolaha, gaar ahaan
subaga codcodka amma sixinka la yidhaa, gaar marka la shiilo hadhaaga
gunta fadhiista ayaa Hemaarka la yidhaa…..” Eesh qiyaasak waa markii
iigu horraysay heemaar, tolow adigana ma ila taqaan in laga sameeyo
xoolaha, gaar ahaan adhiga iyo lo’da?
Hadda carrabkaygu kama daalo
dhuuqista heemaarkaas, waxyaabaha aan marka aan tego baadiyaha
waqtiyada barwaaqada doontay ka mid tahay.... Kiniinka hurdada miyiga ee
ciirta laftarkeeda anigu kama nabsi galo, walaw ragga baadiyaha jooga
ay isku cayaan……
+++++++++++++++
W/Q: Ibraahim Khadar Siciid
Ibraahimkhs@hotmail.com
No comments:
Post a Comment