Hooheey Geeriyaay Xishoodlaay
Hooheey Gacal Fogeeyaay
Hooheey Hooyo Xillo Tiraay
Hooheey Aabo Garab Jaray
Hooheey Hanado Galaaftaay
Hooheey Gacal Fogeeyaay
Hooheey Hooyo Xillo Tiraay
Hooheey Aabo Garab Jaray
Hooheey Hanado Galaaftaay
Waxay ahayd uun laba
maalmood ka hor (Axadii) markii sawirrada iyo magacyada dhallinyaro quruxda iyo
qiimaha aaad yaabto lagu baahiyey baraha bulshada iyo warbaahinta, lana soo
sheegay geerida ku dhawaad 400 da’ yar Soomaali u badan ah.
Sawirrada baraha
bulshada lagu baahiyey (Social Media) waxa ka muuqday farxad iyo rayn rayn,
diif kuma arkayn, waxay ahaayeen ubad si fiican loogu tabcay. Qaar badan oo
xogtooda la hayey waxay u ahaayeen aqoonyahan shahaadada kowaad amma labaad ee
Jaamacada (Degree or Master) sitay, loona han weynaa in ay dalkooda, dadkooda
iyo qoyskoodaba horumariyaan, balse Alla qadaraye naftoodu ku baxday badweynta
Miditerranean ee u dhaxaysa Yurub iyo Afrika, gaar ahaan Port Said oo ah halka
ay ku qudh baxeen ubadkeena aynu adduunyada ka eeganaynay.
Waxa badaas goblan ka dhigtay hooyooyin,
aabbo, Somaliland iyo Soomaaliya iyo waliba ummad kale oo Afrikan ah. Markii geerida da’ yarta Soomaalida la xusay
waxa qof kasta oo Soomaali ah indhihiisa ku soo istaagtay oohin, kii aan ilmo
ka imaana qalbiga iyo caloosha ayuu ka ooyey oo uu su’aallo badan iska
waydiiyey. Intii qallin ku cabiri kartay way ku cabirtay, intii war-saxafadeed
ku muujin karaysay way ka muujisay. Madax iyo shacab waa laga murugooday
masiibadaas dhacday.
Bal inta aad aamusto
u fiirso ubadkaas quruxda iyo farxaduhu ka muuqatay sawiradooda meelahay ka baxeen murugada iyo mugdiga ka
jira, ogow oo bal barbardhig dadka Jaamacadaha adduunka ka baxay amma da’ yarta ah sida loo qadariyo, haddii
arday kaliya ka dhinto waxa la isla oogtaa baroor diiq qaran, kuweena maxaynu
aasna, ku tukana qaar baan maydkooda la helayn oo bahal hilbahooda iyo
lafahooda kala goostay. Waxa ka murugo badan Masar oo hore u fufurtay xubnaha
hooyo iyo ubadkeed, da’ yar kale oo tiro badan, kuwaasoo dhakhaatiirtoodu
iibsadeen, sida bahaladana qasheen. Ubadkaas waa dayacmeen oo waxay ku
dayacmeen siyaasad la’aan iyo qorshe la’aan, hadu (geeridu) way wadday, laakiin
haddana lagama tashan oo tallo lagama yeelan. Aan cabaar faatadaxa u marno oo
niyada uga mar haddii qoraalkan aad akhrido. Allaha u naxariisto intii
dhimatay.
Waxa murugo iyo
uur-ku-taale leh aqoonyahan, qof dhallinyaro ah oo marka uu nafta ugu jecel
yahay ku jira, haddana la saaray doon 30 ilaa 70 fuudh dherarkeedu yahay oo
dusha la iska saarsaray 800 qof oo kala jismi, jinsi ah iyo kala af ah, isna colaadsan
kara, kadibna waataas mashaqadu ka dhacday ee ay ku haligmeen, halkaasna u qudh
iyo naf baxeen.. Hadda maanka ku hay oo ubaxeenna inaga baxay waxa la saaray
doon rabadh ah oo loogu talagalay in dabbaasha lagu barto oo meelaha dhaw lagu
tago, markaasa badweyn la dul sabaysiiyey maalmana majdaha baddu kolba dhinac u
heehaabinaysay.
Waxa murugada igaga
daran arrintaas tacsida ka sakow, wali lama baadhin oo cilmi-baadhis waadix ah
dawladeena (Somaliland) kuma ay samayn waxa sababay in dhallinyaradu maalinba
maalinta ka dambaysa nafahooda biimeeyaa si xalkeeda loo helo, inkastoo guddi
loo saaray ka soo tallo bixinta arrintaas,
laakiin warbixin iska daaye wali kama ay soo saaran hadal iyo talo
toona. Sharci lagama soo saarin bahalada (Mukhalaska) ubadkeena u gacan
haadinaya ee naftooda ganacsiga ka dhigtay.
Hadda ila soco oo
waxa la hubalal ah in ubadkan waxa luray ee dalkooda ka eryey ay yihiin dalalka ay ka dhasheen oo tahriibta
dhiirigelinaya, waayo inta qurbo-joogta tahriibay casho-sharaf iyo xaflad
maamuusyo loo samaynaayo, qof kasta oo Somaliland jooga amma Soomaaliya wuxuu
jeclaysanaya inuu tahriibo oo sidaa loo maamuuso. Inta hay’adaha caalamiga ah
iyo shaqooyinka sare la siinaayo qof basaboor ajenebi ah sita waxa aqoonyahan
kasta iyo barbaar kastaa oo wax baratay ku dhiiranaysa in ay basaboor helistii
naftooda u huraan si ay adduunyo ugu raadsadaan. Inta ka murrashaxa noqonaya uu
yahay qurbo-joog, ka xil qabanaya uu yahay qurbo-joog tahriibku wuu joogaya ee
ha lala socodo amma siyaasad ha laga yeesho.
Haddii lagu doodaayo
hoggaanka uma bisla, aqoontooduna ma awooddo dhallinyarada qol-qoljooga ah in
ay dalka xilal ka qabtaan, shaqooyina qabtaan, ceebtu iyaga maaha ee waxa
masuuliyada kobcinta garaad, aqooneed iyo awoodeed saaran tahay kolba masuulka
u xil saaran ee dalkooda ka taliya.
Bal xogta aan dib ugu
noqono oo Soomaalida tahriibta siday ugu halaagantay aan eegno. hadda Ila soco
oo Tahriibtu maaha mid inagu cusub muddo
rubuc qarni ah waxa isa sii taraayey da’ yarta Soomaaliyeed ee tahriibta
naftooda ku halaagaysa. Tusaale ahaan, sannadkii 2000 hay’adda Qaxoontiga
adduunka waxa ay warbixin ku soo saartay in laga soo bilaabo 1990 ilaa 1999 ay
Galbeedka Yurub gaadheen Soomaali magangelyo doon ah oo tiradoodu dhan tahay 117,300 (Boqol , toddoba iyo toban kun iyo
saddex boqol) oo qof, waa muddo sagaal sannadood ah. Muddadaas waxa ka
dambeeyey 15 sannadood oo ah waqtiyadii ugu tahriibka iyo dhimashada badnayd
Soomaalida, waa 15 sanno ee aan aad luugu leeday badaha, tahriibtuna aad u sii
batay laban laab, saddex laab amma afar laab tiradaas way noqon kartaa. Waxa
tahriibay ubad waqtigaas dhashay oo markaas uu qaan-gaadh noqday, waxa ay soo
gashay hooyooyinka oo ubadkooda la tahriibay. Alla ma fayras baa. Waaba
cudur-side ina galay oo daawadiisa aan la hayn, meel laga dhayana aan la
garanayn.
Aabbayaal iyo
hooyooyinka goblamay, curadoodii badaha ku leedeen iyadoo aan marna xal loo
raadin, waxa kaliya ee dunidu soo saarta, dalalkay dadkan ka dhasheen
(Somaliland iyo Soomaaliya) madaxdooduna way tacsi iyo qiiro uun la taagan
yiniin, hadda ogow waxay ka mid tahay Soomaalidu qoomiyadaha ugu badan ee Yurub tahriibta ku gala,
dadkooduna badaha ugu dhimashada badan yihiin. Sannadkii 2014 ayaa war-tibixeedyo
(Highlight reports) Qaramada Midoobay ka soo saareen tirada tahriibayaasha
waxay ku xuseen in wax ka badan kala
badh dadka muhaajiriinta ah ee badaha ka soo tahriibaa ay ka soo kala jeedaan
saddex dal oo kala ah Suuriya oo 3.9 Milyan tahriibayaal yihiin, Afghanistan oo
2.6 Milyan dadkeedu tahriibeen, halka Soomaaalida 1.1 Milyan tahriibeen.
Waxaynu la soconaa in
mar kasta hooyooyinkeen iyo waalidkeed niyada ku hayaan oo la tiicayaan
naxdinta, hooya kastaana ay ku habaabirto marka geerida hanad amma gaari ay
dhashay loo soo sheegto “Alla-badda liqdayaa? Hadda, marka intaas laga yimaado
waxa 2016 badaha ku dhintay 761 oo baddu liqday, kuwaasay ubadkeenu ku jiraan,
kana mid yihiin waliba inta ugu badan ka yihiin, haddii aan siyaasad cad amma
shacab iyo madax la iska kaashan Somaliland iyo Soomaaliya waxay noqon doonaan
cidlo caarsila laga haajiro.
W/Q: Ibrahim Khadar (ibraahimkhs@hotmail.com)

No comments:
Post a Comment