Tuesday, April 19, 2016

Alla- Badda Liqdayaa?



Hooheey Geeriyaay Xishoodlaay
Hooheey Gacal Fogeeyaay
Hooheey Hooyo Xillo Tiraay
Hooheey Aabo Garab Jaray
Hooheey Hanado Galaaftaay



Waxay ahayd uun laba maalmood ka hor (Axadii) markii sawirrada iyo magacyada dhallinyaro quruxda iyo qiimaha aaad yaabto lagu baahiyey baraha bulshada iyo warbaahinta, lana soo sheegay geerida ku dhawaad 400 da’ yar Soomaali u badan ah.
Sawirrada baraha bulshada lagu baahiyey (Social Media) waxa ka muuqday farxad iyo rayn rayn, diif kuma arkayn, waxay ahaayeen ubad si fiican loogu tabcay. Qaar badan oo xogtooda la hayey waxay u ahaayeen aqoonyahan shahaadada kowaad amma labaad ee Jaamacada (Degree or Master) sitay, loona han weynaa in ay dalkooda, dadkooda iyo qoyskoodaba horumariyaan, balse Alla qadaraye naftoodu ku baxday badweynta Miditerranean ee u dhaxaysa Yurub iyo Afrika, gaar ahaan Port Said oo ah halka ay ku qudh baxeen ubadkeena aynu adduunyada ka eeganaynay.


 Waxa badaas goblan ka dhigtay hooyooyin, aabbo, Somaliland iyo Soomaaliya iyo waliba ummad kale oo Afrikan ah.  Markii geerida da’ yarta Soomaalida la xusay waxa qof kasta oo Soomaali ah indhihiisa ku soo istaagtay oohin, kii aan ilmo ka imaana qalbiga iyo caloosha ayuu ka ooyey oo uu su’aallo badan iska waydiiyey. Intii qallin ku cabiri kartay way ku cabirtay, intii war-saxafadeed ku muujin karaysay way ka muujisay. Madax iyo shacab waa laga murugooday masiibadaas dhacday.


Bal inta aad aamusto u fiirso ubadkaas quruxda iyo farxaduhu ka muuqatay sawiradooda  meelahay ka baxeen murugada iyo mugdiga ka jira, ogow oo bal barbardhig dadka Jaamacadaha adduunka ka baxay  amma da’ yarta ah sida loo qadariyo, haddii arday kaliya ka dhinto waxa la isla oogtaa baroor diiq qaran, kuweena maxaynu aasna, ku tukana qaar baan maydkooda la helayn oo bahal hilbahooda iyo lafahooda kala goostay. Waxa ka murugo badan Masar oo hore u fufurtay xubnaha hooyo iyo ubadkeed, da’ yar kale oo tiro badan, kuwaasoo dhakhaatiirtoodu iibsadeen, sida bahaladana qasheen. Ubadkaas waa dayacmeen oo waxay ku dayacmeen siyaasad la’aan iyo qorshe la’aan, hadu (geeridu) way wadday, laakiin haddana lagama tashan oo tallo lagama yeelan. Aan cabaar faatadaxa u marno oo niyada uga mar haddii qoraalkan aad akhrido. Allaha u naxariisto intii dhimatay.


Waxa murugo iyo uur-ku-taale leh aqoonyahan, qof dhallinyaro ah oo marka uu nafta ugu jecel yahay ku jira, haddana la saaray doon 30 ilaa 70 fuudh dherarkeedu yahay oo dusha la iska saarsaray 800 qof oo kala jismi, jinsi ah iyo kala af ah, isna colaadsan kara, kadibna waataas mashaqadu ka dhacday ee ay ku haligmeen, halkaasna u qudh iyo naf baxeen.. Hadda maanka ku hay oo ubaxeenna inaga baxay waxa la saaray doon rabadh ah oo loogu talagalay in dabbaasha lagu barto oo meelaha dhaw lagu tago, markaasa badweyn la dul sabaysiiyey maalmana majdaha baddu kolba dhinac u heehaabinaysay.


Waxa murugada igaga daran arrintaas tacsida ka sakow, wali lama baadhin oo cilmi-baadhis waadix ah dawladeena (Somaliland) kuma ay samayn waxa sababay in dhallinyaradu maalinba maalinta ka dambaysa nafahooda biimeeyaa si xalkeeda loo helo, inkastoo guddi loo saaray ka soo tallo bixinta arrintaas,   laakiin warbixin iska daaye wali kama ay soo saaran hadal iyo talo toona. Sharci lagama soo saarin bahalada (Mukhalaska) ubadkeena u gacan haadinaya ee naftooda ganacsiga ka dhigtay.
Hadda ila soco oo waxa la hubalal ah in ubadkan waxa luray ee dalkooda ka eryey ay yihiin  dalalka ay ka dhasheen oo tahriibta dhiirigelinaya, waayo inta qurbo-joogta tahriibay casho-sharaf iyo xaflad maamuusyo loo samaynaayo, qof kasta oo Somaliland jooga amma Soomaaliya wuxuu jeclaysanaya inuu tahriibo oo sidaa loo maamuuso. Inta hay’adaha caalamiga ah iyo shaqooyinka sare la siinaayo qof basaboor ajenebi ah sita waxa aqoonyahan kasta iyo barbaar kastaa oo wax baratay ku dhiiranaysa in ay basaboor helistii naftooda u huraan si ay adduunyo ugu raadsadaan. Inta ka murrashaxa noqonaya uu yahay qurbo-joog, ka xil qabanaya uu yahay qurbo-joog tahriibku wuu joogaya ee ha lala socodo amma siyaasad ha laga yeesho.
Haddii lagu doodaayo hoggaanka uma bisla, aqoontooduna ma awooddo dhallinyarada qol-qoljooga ah in ay dalka xilal ka qabtaan, shaqooyina qabtaan, ceebtu iyaga maaha ee waxa masuuliyada kobcinta garaad, aqooneed iyo awoodeed saaran tahay kolba masuulka u xil saaran ee dalkooda ka taliya.


Bal xogta aan dib ugu noqono oo Soomaalida tahriibta siday ugu halaagantay aan eegno. hadda Ila soco oo  Tahriibtu maaha mid inagu cusub muddo rubuc qarni ah waxa isa sii taraayey da’ yarta Soomaaliyeed ee tahriibta naftooda ku halaagaysa. Tusaale ahaan, sannadkii 2000 hay’adda Qaxoontiga adduunka waxa ay warbixin ku soo saartay in laga soo bilaabo 1990 ilaa 1999 ay Galbeedka Yurub gaadheen Soomaali magangelyo doon ah oo tiradoodu dhan tahay  117,300 (Boqol , toddoba iyo toban kun iyo saddex boqol) oo qof, waa muddo sagaal sannadood ah. Muddadaas waxa ka dambeeyey 15 sannadood oo ah waqtiyadii ugu tahriibka iyo dhimashada badnayd Soomaalida, waa 15 sanno ee aan aad luugu leeday badaha, tahriibtuna aad u sii batay laban laab, saddex laab amma afar laab tiradaas way noqon kartaa. Waxa tahriibay ubad waqtigaas dhashay oo markaas uu qaan-gaadh noqday, waxa ay soo gashay hooyooyinka oo ubadkooda la tahriibay. Alla ma fayras baa. Waaba cudur-side ina galay oo daawadiisa aan la hayn, meel laga dhayana aan la garanayn.


Aabbayaal iyo hooyooyinka goblamay, curadoodii badaha ku leedeen iyadoo aan marna xal loo raadin, waxa kaliya ee dunidu soo saarta, dalalkay dadkan ka dhasheen (Somaliland iyo Soomaaliya) madaxdooduna way tacsi iyo qiiro uun la taagan yiniin, hadda ogow waxay ka mid tahay Soomaalidu qoomiyadaha  ugu badan ee Yurub tahriibta ku gala, dadkooduna badaha ugu dhimashada badan yihiin. Sannadkii 2014 ayaa war-tibixeedyo (Highlight reports) Qaramada Midoobay ka soo saareen tirada tahriibayaasha waxay ku xuseen in  wax ka badan kala badh dadka muhaajiriinta ah ee badaha ka soo tahriibaa ay ka soo kala jeedaan saddex dal oo kala ah Suuriya oo 3.9 Milyan tahriibayaal yihiin, Afghanistan oo 2.6 Milyan dadkeedu tahriibeen, halka Soomaaalida 1.1 Milyan tahriibeen.


Waxaynu la soconaa in mar kasta hooyooyinkeen iyo waalidkeed niyada ku hayaan oo la tiicayaan naxdinta, hooya kastaana ay ku habaabirto marka geerida hanad amma gaari ay dhashay loo soo sheegto “Alla-badda liqdayaa? Hadda, marka intaas laga yimaado waxa 2016 badaha ku dhintay 761 oo baddu liqday, kuwaasay ubadkeenu ku jiraan, kana mid yihiin waliba inta ugu badan ka yihiin, haddii aan siyaasad cad amma shacab iyo madax la iska kaashan Somaliland iyo Soomaaliya waxay noqon doonaan cidlo caarsila laga haajiro.

W/Q: Ibrahim Khadar (ibraahimkhs@hotmail.com)

No comments:

Post a Comment