Monday, May 18, 2015

Ma ka Mid Tahay Bulshada 99 (Club 99)?

Ma ka Mid Tahay Bulshada 99 (Club 99)?


Qof kasta oo inaga mid ah, kuna jira noolaha aadamaha loo yaqaan waxa uu daydaya hanta, adduunyadiisuna ma tobnawdo, hadh iyo habeena kama daalo inuu raadsho quutal daruuri iyo hanta uu ku raaxaysto, sababtoo ah haddii uu helo maal in uu ka sii badiyo ayuu jecel yahay, haddii uu noqdo maalqabeena inuu kuwa hantidiisu aanay halkaa ku joogsan buu aad u daneeya, dhididkana hadh iyo habeen iskaga tira, degenaanshaha nololeedka ka qaada.

‘Waqti hore waxa jiray boqor. Boqorkan waxa uu ku faraxsana noloshiisa iyo dhaldhalaalka taajirnimo ee uu ku raaxaysanaayo, laakiin arrintu ma ay ahayn sidaas oo mar kasta wuxuu dareemi jiray in wax ka dhiman yihiin oo aanu farxada uu doonaayo wada helin.
Waxa uu dareen gaar ah oo dhugasho siin jiray dadka uu arko amma goob kasta oo uu tago dadka ku sugan, waxa uu ka qaybgeli jiray cashooyinka boqorada iyo dadka madaxda ah isugu yimadaan, xafladaha aadka u heerka sarreeya, haddana wali ma uu helin degenaanshihii uu doonaayey, xataa in yar umuu jirsan inuu helo, waannu ka sii daray oo degenaanshihii uu hore u haystay baaba ka sii lumay.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa boqorkii xilli hore toosay, waxaannu sidii caadada u ahayd kolba dhinac u dhaqaaqay qasrigiisi weyna. Waxa uu soo galay qolkiisii fadhiga ee aadka u quruxda badna, ballaadhkana aad yaabayso. Wuu istaagay, waxa uu maqla qof si farxad leh u heesaaya, waxa uu eegay wejigiisa waxaaba ka muuqata farxad xad-dhaaf ah.
Waxa uu ahaa mid ka mid ah shaqaalah hoosaadka qasriga, kadib wuxuu boqorkii ugu yeedhay golihii uu ka talin jiray ee uu go’aanka ku gaadhi jiray, sidii amarku ahaa buu ninkii goobtii u soo gaadhay, kadib waxa uu boqrkii waydiiyey; “Sababmaad sidaas oo dhan ugu faraxsan tahay?
Ninkii wuxuu ku jawaabay; “Boqorkaygiiyaw, waxba agtaada kama ahi oo adeegahaagaan ahay, laakiin waxa aan hela wax igu filan oo aan qoyskayga noloshooda ku ilaain karo oo ubadkaygu ku farxaan. Wax sidaas u badan uma baahnin oo madaxayada kor u qaada iyo cunto kulul oo aanu calooshayada ku buuxino. Xaaskayga iyo carruurtaydu waa kuwa i dhiirigeliya; way ku farxaan wax kasta oo yar oo aan guriga geeyo, sidaa darteed waxa aan ku faraxsanahay qoyskayga farxadooda.”
Markii boqorkii intaas maqlay waxa uu eryey adeegihii, waxaannu u yeedhay Xoghayntiisii gaarka ahayd oo kursigii uu ku talinaayey ugu timid. Boqorkii wuxuu uga warramay dareenkiisa iyo sheekada adeegaha dhex martay. Waxa uu Xoghaynta ka rajaynaayey inuu xal siinaayo boqorka si uu farxada aanu hayn ee adeegihiisu u haysto u gaadho.
Xogyahtii Khaaska ahayd ee boqorku markay dhegaysatay dhacdadaas waxa uu ku yidhi boqorkiisa; “Boqorkaygiiyaw, waxa aan aaminsanahay in adeeguhu aanu ka mid ahay Bulshada 99 la yidhaa.’
Boqorkii oo yaaban, lana yaaban erayga ka soo baxay Xoghayntiisa ayaa yidhi; “Bulshada 99? Maxay tahay macnaheedu?”
“Boqorkayaw ma waxaad doonaysaa inaad ogaato bulshada 99 waxay tahay; waa inaad samaysa sidan soo socota. Waxa aad 99 shilin oo dahab ah ku rida shandad, kadib waxa aad dhigtaa albaabka guriga adeegaha, kadib waad fahmi doonta waxa ay tahay Bulshada 99aad,” ayuu ugu jawaab celiyey Xogyahuhu boqorkiisa.
Goor fiid ah, ayaa boqorkii diyaariyey 99 shilin oo dahab ah, kuna riday sidii loo sheegay shandad, kadibna hordhigay guriga adeegaha. Inkastoo uu ka warwareegay inuu 99aad shilin shandada uu ku rido oo uu damcay inuu 100 shillin ku rido, haddana waxa uu raacay heshiiskii ahaa inuu 99 shillin ee dahabka ah shandada ku rido.
Adeegihii waxa uu diba uga soo baxay guriga, markii uu arkay albaabkiisa oo shandad taalo, wuu yaabay, farxad buu is hayn waayey, waxa uu u qaaday gudaha, kadibna si deg deg ah u furay shandadii, waxa kaga soo baxay shillimaan dahab ah, farxad buu is kala garan waayey, wuu rumaysan waayey, kadib wuxuu shillimadii dahabka ahaa tusay xaaskiisa.
Isagoo farxad is kala garan la’ ayuu shandadii ula cararay miis agtiisa ah, waannu ka daadiyey, kadib wuxuu bilaabay tirintii shillimada, waxa u soo baxday xisaab 99 shillin ah, waxa uu u maleeyey in wax dhiman yihiin, wuu tiriyey oo uu tiryey, isla tiradii uun baa u soo baxday. Waxa uu bilaabay  inuu yaabo oo uu qawado, damacna ka galo in shillinka maqan guriga dhex yaalo, isagoo iska dhaadhiciyey in qofna aannu ka tageen 99 shillin oo dahab ah oo tirada aanu kala dhimeen. Guriga oo dhan buu ka raadiyey muddo saacado ah, aakhirkii markii uu daalay waxa uu go’aansaday inuu si adag u shaqeeyo si uu shillinkaas dhiman u buuxiyo oo tiradu u noqoto 100 shillin oo dhammaystiran.
Subaxnimadii ku xigtay markii uu toosay xaaladiisu may fiicnayn, degenaanshuhu wuu ka maqnaa, waxa uu ku qayliyey carruurtiisa iyo ooridiisa oo uu ku dagaalay inuu habsaamay, sababtoo ah habeenkii oo dhan wuxuu ku daahay shaqo aad u adag si uu u kasban lahaa shillinkaas ka maqan. Waxa ka lumay farxadii maalinla ahayd.
Waxa uu boqorkii la yaabay degenaansho la’aanta iyo isbeddelka xun ee ninkii ku yimi, kadib wuxuu si deg deg ah golihii uu ka talinaayey ugu yeedhay Xoghayntiisii Gaarka ahayd, waxaannu u sheegay sida wax u dhaceen, waxaannu rumaysan waayey ninkii uu shalay ku arkaayey farxada iyo heesta degenaanshaha nololeed ka keentay waxa farxadiisii qaaday, maadaama uu hadda haysto 99 shillin oo dahab ah, kana mid yahay dadka lacagta leh?
Caawiyihii Boqorku wuxuu ku jawaabay; “Alla! Boqorkayaw, adeeguhu waxa uu hadda si toos ah ugu biiray bulshada 99. Bulshadan 99 waa magac loo yaqaan dadka haysa wax kasta, balse aan farxada helin, sidaa darteed waa dad si adag u shaqeeya oo u macluula in ay helaan shillinka ka dhiman si ay u buuxiyaan tirade 100-ka!
Akhriste mahadnaqu waa shay aad u muhiim ah, qofku wuxuu ku noolaan kara in yar oo uu haysto, laakiin daqiiqada maanka qofka ay soo gasho inuu raadiyo wax ka fiican inta uu haysto waxa ka lunta degenaanshaha iyo farxada. Qofku ma noqdo sidiisii hore, sababtoo ah baahidu maaha mid hadha, waxa aad ku waayeysa hurdada, faraxda, waxa aad dhaawac u geysanaysa dadka kugu xeeran si aad baahiyahaaga iyo danaha aad leedahay u gaadho, taasina waa marka aad ku biirto bulshada 99.
Waxa cajiib noqotay haddaba markii boqorkii intaas maqlay inuu wixii ka dambeeyey mahadnaqa bilaabo oo wax kasta oo uu helo ku mahadnaqo.
In qofku hami yeesho waa wax wanaagsan, balse maaha inuu xoog ku doono, wax badan oo fiicana ku waayo, gaar ahaan dadka aadka kuugu dhaw ee quluubtaada muhiimka u ah, waa in aynaan farxadeena iyo degenaanshaheena iska qaadin.

 Ibraahim Khadar Siciid (ibraahimkhs@hotmail.com)

 

No comments:

Post a Comment