Thursday, November 12, 2015

Dabarrada Sharci iyo Qabyada Garsoorka ee Xagal-daaciyey Nidaamka Caddaaladda Somaliland



Ibraahim Khadar Siciid (ibraahimkhs@hotmail.com),
Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo 23 jirsaday waqtigan, isla markaana horumar bulsho iyo mid dhaqan-dhaqaaleba gaadhay wixii ka dambeeyey sannadkii 1991-kii oo lagu dhawaaqay in Somaliland ka madaxbannaan tahay dawladda ammaan-darrada iyo taag-darradu dishootay ee Soomaaliya.
Somaliland waxa lagu yagleelay qaran nidaam dawladeed oo dimuqraadi ah iyo dastuur (Governmental System and Constitution) la isku waafaqsan yahay oo 91% shacabku u codeeyeen, kaasoo si toos ah u tilmaama nidaamka maamul ee dawladda ku salaysan yahay hab dimuqraadi ah oo ah in qaranku saddex waaxood (sharci-dejinta, fulinta iyo garsoorka) ka  kooban tahay, kuwaasoo wada-shaqayn buuxda midba mida kale la leedahay, balse gebi ahaanba kala madaxbannaan oo aan midna ka kale faragelin karin, shaqadeedana aanay ku qabsan, waayo dastuurka wuxuu u sameeyey kala xaddayn (Demarcation) waaxyaha qaranka
Hadalka haddii aan saro weedhiisa, hilbihiisana kala saafo oo aan ujeeddadiisa u dhaadhaco Waaxda Garsoorka ah oo halka laga jaan-gooyo, lagagana garnaqo garaha iyo murannada dadka ka dhex dhasha, laguna go’aamiyo caddaaladda, taasoo qof kasta oo muwaadin ah iyo ku aan ahaynba u baahan yihiin inay helaan xaqooda oo ay ku gadhayaan nidaam garsoor oo caddaaladi amma daacad ah.
Haddaba, nidaamka garsoor ee Somaliland oo wixii ka dambeeyey dawladdii Soomaaliya ee millateri dib loo dhisay sannadkii 1993-kii, kaasoo lagu yagleelay Axdi Qarameedkii sannadkaas la sameeyey, waxaana si gaar ah loogu bud-dhigay nidaamka garsoor ee Somaliland qodobka 21aad ee Axdi Qarameedkaas.
Somaliland nidaamka garsoor ee ka  jira wuxuu asal ahaan ku daba leeyahay sharcigii 1962 la sameeyey ee la odhan jiray qaab-dhismeedka garsoorka (Organization of the Judiciary Law 1962) amma wareegto sharciyeedkii No 3 ee la soo saaray 12 June, 1962-kii, kaasaanay Somaliland dib u habayn ku samaysay aakhirkii, laguna ansixiyey Axdi Qarameedkii 1993-kii.
Sidoo kale, waxa nidaamka amma haykalka Maxkamada Somaliland dib loogu habeeyey, looguna ansixiyey Dastuurkii ku-meelgaadhka ahaa ee 1997-kii la sameeyey, kaasoo keenay in dastuurka waqtigan cusubkiisa 4aad lagu dhiso garsoorka iyo nidaamkiisa.
Marxaladahaas hore markii lagu guulaystay ee garsoorka xoogga laga fahmay, ayaa Barlamaanka Somaliland 16 March 2008 ay soo saareen xeerka Nidaamka Garsoorka (The Organization of the Judiciary Law), iyagoo aqblay wax-ka-beddel iyo kaabis uu Madaxweyne Rayaale ka dalbaday in xeerka nidaamka garsoorka lagu sameeyo, kaasoo waqtigan dhaqangal ah.
Taariikhdaas kooban ee garsoorka kadib, Somaliland waxay leedahay nidaam garsoor oo shuruucda garsoorka iyo dastuurkuba sheegaan, waxaanna jira hay’addo garsoor sida qodobka 124aad ee dastuurku sheego Hay’adaha Garsoorku waxay ka kooban yihiin Maxkamadaha iyo Xeer-ilaalinta, kuwaasoo u madaxbannaan shaqooyinkooda, iyagoo shuruucda oo qudha tixgelinaya.
Dabarrada Sharci ee Garsoorka:
Garsoorka Somaliland oo sida dastuurku tilmaamay ah Waax madaxbannaan oo ka mid ah waaxa dawladda ugu muhiimsan, la’aanteedna aan qarannimo iyo dawladnimo sii soconayn, maadaama ay tahay meesha lagu go’aamiyo caddaaladda, laguna sar gooyo ciqaabta qofka dambiila ah ee lagu heli dambi, dadka xaqa kala tirsanaya  lagu kala siiyo, haddana waxa jira shuruuc liicisay awoodda garsoorka, kuwaasoo uu ugu horreeyo dastuurka, sababtoo ah waxa uu dabar uga dhigay in waaxda fulintu, gaar ahaan Wasaaradda Caddaaladda fuliso go’aannada maamul ee ka soo baxa Guddida Caddaaladda oo ah hay’adda ugu sarraysa bahda garsoorka.
Qodobka 133aad ee dastuurka labadiisa farqadood ee 1aad iyo 2aad waxay dabar sharci ku noqonayaan garsoorka madaxbannaanidiisa, sababtoo ah go’aannada ka soo baxa Caddaaladdu waxay u baahan yihiin in loo sameeyo guddi fuliya sida caalamkaba, halka wada-shaqaynta Wasaaradda Caddaaladda iyo Hay’adda Garsoorka aannu jirin sharci qeexaya habka ay u wada shaqaynayaan, taasina ay tahay qabyada dastuurka ku jirta ee muranka dhalin karta
Sidoo kale qodobka 131aad oo ka hadla Guddida Caddaaladda xubnahay ka kooban tahay oo ah:
  • Guddoomiyaha Maxkamada sare…. Guddoomiye.
  • Labada Garsoore ee ku-xiga dhinaca derjada.
  • Guddoomiyaha Maxkamada sare……… Xubno.
  • Xeer-ilaaliyaha Guud…….. Xubin.
  • Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda … Xubin.
  • Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha…. Xubin.
  • Laba Xubnood oo golaha wakiiladu labadii sanaba hal mar ka soo doorto dadweynaha; kana kala tirsan; aqoon-yahanada iyo ganacsatada; iyo laba xubnood oo Golaha Guurtidu labadii sannadoodba ka soo doorto dadweynaha hal mar kana kala tirsan dhaqanyahannada iyo culimada Diinta.
Qodobkan waxa uu wiiq sharci ku noqonaya aqoonta iyo hawlkarnimada Guddida Caddaaladda oo ah halka ugu sarraysa ee Garsoorka laga hago, sababtoo ah waxa ku jira laba xubnood (Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha) oo xukuumadda ka tirsan, taasoo loo baahna in aanay isku milmin garsoorka iyo xukuumadda, balse sidaas uu dastuurku u dhigay, halka 4 xubnood ee Golaha Barlamaanka (Wakiillada iyo Guurtidu) soo doortaan aanay lahayn aqoon sharci, balse aqoonyahan uun yihiin, loona baahna in dastuurku shardi uga dhigo in ay yihiin xubno aqoon sharci amma waayo-aragnimo sharci leh, maadaama guddidan tahay guddida ugu sarraysa  ee garsoorka Somaliland, waxyaabaha laga hadlayaana inta badan yahay sharci.
Dhammaan qodobaddaas dastuur waxay dabar adag ku yihiin madaxbannaanida garsoorka, iyadoo ay ahayd in Dastuurka la furo, kana mid noqdaan waxyaabaha wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyo.
                                                                                                          
Maxkamadaha oo ka arradan waax kaydisa faylasha kiisaska iyo xarun daraasadeed
Maxkadamaha dunidu waxay leeyihiin nidaam kaydinta dacwadaha (Archival System), kaasoo lagu kaydiyo kiisaska maalintaas soo gala, bisha soo gala amma sannadkaas,  waxana  fududaata in kiis kasta oo dhaca haddii loo baahdo waqti waqtiyada ka mid ah si fudud loo heli karo.
Maxkamadaha Somaliland marka aad booqato amma kiis kaa galo, waxaad ogaanaysaa in aanu jirin nidaam loo kaydiyo faylasha, waxaana  kaalinta amma kaaliyuhu isticmaala gacantiisa oo uu ku qoro (Manual Handwriting), kaidbna faylka amma gal-dacwadeedka wuxuu ku tuura meel hadhaw aan cidi ka heli Karin, iska daa marka uu kiisku dhammaadee waxa  dhacda inta dacwada lagu gudo jiro laba waayo faylka qofka, taasina waxay keenta in kiisasku si fiican u socon wayaan, qofka madluunka (Victim)  ahna  uu heli waayo xaqiisa, maadaama faylkiisa la waayey amma  uu ka raago.
Nidaamka habaynta gal-dacwadeedadu waxay faa’iido u tahay maxkamada, maadaama aynu joogno duni casrigu shaqeeyo, lana awooddi waayey in barnaamij amma Data base kiisaska maxkamadaha soo gala lagu guro, waxa fudud in garsoore walba uu samaysto kombuyuutar iyo Extra Hard Disk uu ku kaydsado macluumaadkiisa, gaar ahaan ka bishaas soo gala, kadibna sannadka oo dhan meel isugu uruursado si hadhaw u fududaato in la heli karo kiiskaas.
Waxa dhacda in marka qofku is yidhaa rafcaan kiiskiisa ka qaado in ay muddo ku qaadato, maadaama aan garmaqalkii muddada soo socday dhacdooyinkii dhacay iyo xukunkii meel lagu wada qorin, kaydina aan lagu samayn.
Nidaamkan waxa uu habsan ku keenaya caddaaladda, sababtoo ah waxa kala socon waaya dacwadaha, halka uu faa’iido u ahaan lahaa in ardaydu darasayso kiisaska la kaydiyey, waxna ku barato.
Jaamacadaha dalka waxa ardayda loo dhigaa markay sharciga dhiganayaan amma aan goob-joogba u ahaa kiisas Maraykanka amma Ingiriiska ka dhacay 100 sanno ka hor amma qarniyo ka hor, taasina waxay ceeb ku tahay in la awooddi waayey in la isugu duba  rido ardayda  kiisaska dalka ka dhaca ee ay fahmayaan, inkastoo ay jiraan shakhsiyaad isku hawlay in ay buuggaag ka diyaariyaan kiisaska madaniga iyo ciqaabta oo Jaamacadda Hargeysa ardaydu daraaseeyaan, haddana kuma filna oo maaha wax sannado sii socon kara, ardaydana wada gaadhi kara.
Maxkamaduhu waxay u baahan yihiin amma gebi ahaanba garsoorku waax samaysa cilmi-baadhis ku saabsan kiisaska Madaniga ah iyo kuwa Ciqaabta ah (Criminal and Civil Research Department), waaxdan waxay faa’iido u tahay qaranka oo dhan, sababtoo ah haddii la helo inta dambi ee dalka ka dhacday ee lagu helay shakhsiyaadka waxa fududaanaysa in si fudud looga hortago oo lagu talagalo in sannadka dambe la yareeyo.
Ciidammada bilayska waxay sannadkii soo saraan dambiyo maxkamada gaadhay iyo qaar tuhuno uun ahaa, bilayska waa halka ugu horraysa ee baadhista dambigu ka bilaabanto, waxaanay eegaan ciidanku dabeecada (Nature of Crime) waxa dhacay inuu dambi yahay iyo in kale  oo qofka maxkamad lagu gayn karo, mana aha dambi dhab ah (Final Crime), qofkuna dambiile markaas maaha ee waa qof la tuhmay (Suspect), balse kiiska Maxkamadddu goysa waa dambi, qofkuna waa dambiile, haddii uu noqdo mid lagu helay (Convicted Person)..
Waxdan (Judicial Research Department) haddii maxkamaduhu helaan waxay keenaysa in caddaaladda wax badan laga qabto oo aan dambiyo badan dhicin, dawladduna ogaato bal dambiyada dhabta ah ee dhaca iyo waxyaabaha sababa, xataa waxa si rasmi ah loo ogaan kara sida kiisaska Maxkamaduhu u socdaan ee shacabku ugu qanacsan yihiin nidaamka caddaaladeed ee dalka ka jira.
Haddaba, haddii hay’adda UNDP oo tababarka garsoorka aad u caawisa lala kaashado in ay labadan waaxood ka caawiso way fududaan lahayn, wax badana kumay baxeen, balse waxa lagu mashquulay hawlo kale, garsoorayaasha laftigooduna waxay la daala-dhacayaan culayska kiisaska ay hayaan iyo shaqooyinkooda oo aad u miisaan culus.


Waaxo Garsoor oo Sharciyan ah oo aan la Samayn
Xeerka Nidaamka Garsoorka qodobka 10aad oo ka hadla awoodda Maxkamadda Sare waxa uu jideeya in Maxkamadda Sare geli karto murrannada go’aammada dhammaadka ah ee idaariga ah (maamul), dacwadaha doorashooyinka, rafcaannada derejeada 1aad soo dhammaysta, dooda amma murrannada ka dhasha qodabo dastuuri.
Haddaba, Maxkamadda Sare waxay u baahnayd in ay yeelato Waax Dastuuri ah (Constitutional Tribunal Section), Waax ka garnaqda dacwadaha maamulada (Administrational Tribunal), Waax doorashada ka garnaqda, waxaahaas oo dhammaantood leh garsoorayaasheeda si culayska dacwadaha ee maxkamadaha sare imaanaya u fududadaan, balse hadda waxa ka go’aan gaadha garsoorayaal mucayin ah oo an ka badnayn 7, isla markaana dacwad kasta gala, waxaana meesha ka baxaysa waxahaas oo garsoorka awooddiisa badin lahaa, keeni lahaana in qiimaha iyo quruxda garsoorku fiicnaado.
 Maxkamadda Sare, isla markaana ah Maxkamadda Dastuuriga ah  waxay u baahan tahay in waaxahaas loo sameeyo, maadaama shacabku baahi u qabo in garsoorku noqdo waax si firfircoon u shaqaynaysa.
Baahida Garsoorayaasha
Garsooraha amma Qadi (Judge) waa shakhsi aqoon u leh sharci amma shareecada, kaasoo dadka kala saaraya, isla markaana caddaali ah, loona doortay jagada inuu ka garnaqo dacwadaha dadku isku haystaan, balse Garsooraha waxa uu leeyahay shuruudo lagu kala doorto, gaar ahaan Islamku wuxuu u jideeyey shuruudo, halka shuruudaha sharciga dad sameega ah (Statutory law) shardiyo u dhigay;
Halkan kaga hadli mayno shuruudaha qaadiga, balse waxaynu ku soo bandhigayna baahida garsooruhu amma inuu garsooruhu noqdo mid baahan dhibta ay u keeni karto caddaaladda sugideeda iyo in dadku kala helaan xaqa, lana ciqaabo qofka dambiila ah oo la marsiiyo mudankiisa.
Islamku wuxuu jideeya in booska garsooraha aan loo dhiibin qof codsada amma qof inuu ka shaqaysto doonaya, sababtoo ah waxa laga cabsi qaba haddii uu qofku shaqo ahaan u galo inuu noqdo qof dadka ka shaqaysanaya, lacag darteedna uu u qaloociyo baahida.
Waxaana shardi looga dhiga in haddii qof kaaga habboon jiro shaqada garsooraha oo aad dalbata in ay tahay karaahiyo dhinaca islaamka, sababtoo ah garsooraha waxa gacantiisa ku jira  inuu qof xaq leh siiyo xaquu lahaa, waxaannu Abu Hurayrah ka wariyey Nebiga (NNKHA) “Qofkii loo magacaabo garsoore waxa la dilay mindi la’aan,” macnaheeduna waxa weeyaan in qofkaas masuuliyad aad u culus gacanta laga saaray, kaasoo keeni karta janno iyo caddaab.
Xeerka dad sameega ah (Statutory law) wuxuu ku xidha in garsooruhu noqdo qof aqoon u leh sharciga, waxa kale oo uu xeerka Nidaamka Garsoorka Somaliland sheega darajada iyo meelaynta garsooraha oo ku xidhan mushaharka, gaar ahaan qodobka 23aad ee Xeerka Nidaamka Garssoorka waxa uu tilmaama darajo iyo meelaynta Garsoorayaasha, waxaana ugu sarreeya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Darajada A1 ah, Xeer-ilaaliyaha Guud, Garsoorayaasha Sare iyo Guddoomiyayaasha Maxkamadda Rafcaanka oo A2 ah, Garsoorayaasha Maxkamadda Rafcaanka iyio Guddoomiyayaasha Maxkamadda Gobolka iyo Ku-xigeennada Xeer-ilaaliyaha Guud oo A3 ah, Garsoorayasha Maxkamadda Gobollada, Guddoomiyahayaasha Maxkamadaha Degmooyinka oo A4 ah, Garsoorayaasha Maxkamadda Degmooyinka oo A5 ah. Sidaa daraadeed darajooyinkan waxay ku tilmaaman oo ku hoos lifaaqan mushaharka garsooraha, taasoo ah in Somaliland aanu qofka garsoora ah qaadan wax baahidiisa dabooli kara, kana celin kara inuu laaluush qaato.
Garsoorayaasha waddamada caalamka badankooda waxa la daboola baahidiisa aasaasiga ah sida in waxbarashada iyo caafimaadka qoyskiisa bilaash looga dhigo, lacag ku filan la siiyo, korna loo qaado xasaanadiisa iyo sharaftiisa sida Xeerka Nidaamka Garsoorkuba dhigaayo, taasina waxay daawo u tahay inuu garsooruhu laaluush qaato, musuqna soo dhex galo garsooraha iyo dadweynaha.
Garsoore aan baahidiisa la daboolin, kana fikiraaya qoyskiisa raashinkuu cuni lahaa, caanihii carruurta iyo waxbarashadii amma qoyskiisu isagoo baahan ka yimi aad bay u adag tahay inuu caddaalad dhammaystiran go’aamiyo.
Garsoorayaasha waxa ku waajib ah in ay maskaxda ku hayaan, iyadoo dhibtaas iyo baahidaasi haysato garsoorayaasha iyo shaqaale hoosaadka Waaxda garsoorka, haddana waa in ay maanka ku hayaan xadiiskii uu Cabdullaahi Ibn Amr Ibn Al Cas ka warieyey Rasuulka oo uu yidh Rasuulkii Ilaahay (NNKHA) wuxuu naxdalay qofka laaluushka bixiya iyo ka qaata.

In Badan oo shacabka ka mid ah oo Wasakhaysa (Laaluushta) Garsoorka
Qof kasta oo muwaadin ah waxa uu xaq u leeyahay inuu dacwoodu lana dacweeyo sida, iskana difaaco eedaha lagu soo oogo, isla markaana uu helo qareen sida Dastuurka Somaliland qodobkiisa 44aad farqadihiisa 1aad, 2aad iyo 3aad amma Qodobka 4aad ee Xeerka nidaamka Garsoorka, balse maaha taas macnaheedu inuu qofku is difaaciisa iyo inuu xaqiisa helo u maro sifooyin sharciga waafaqsan.
Waqtiyo aan booqday Maxkamadda oo ku beegnayd sannadkii 2013 aan ku jiray gebagebada waxbarashadaydii sharci, isla markaana aan qayb ka mid ah waxbarashadayda oo maxkamadaha dacwadaha lagu dhegaysan jiray ah, waxay indhahaygu qabteen mid ka mid ah Garsoorayaasha oo runtii aan u arkaayey inuu yahay nin daacad ah oo muwaadin sida ka muuqatay uu xaq uu lahaa u gooyey la daba cararaayo qadar lacag ah, balse uu diidan yahay, hadaladii ka soo yeedhaayey garsoorahaas waxa ka mid ahaa “Waar xaq aad leedahay baaban kuu gooyee, maxaad I leedahay, lacagtan adiga u baahane qaado oo aniga meel sharaftayda ha kaga dhicin,” balse ninka muwaadinka ah sidaas kumuu joogsan ee wuxuu u celiyey “Waa hadyad yar oo aan kugu talagalay Garsoore, qofka wax kuu qabtana waa laga farxiya,” intaa kadib ayuu garsoorihii cadhooday, una yeedhay askari, markaasuu yidhi; “Waar miyaan ku xidhaa, mise waad iga tegi.”
Haddaba, shacabka laftooda ayaan u bislaan inay sharciga ilaaliyaan, waxaanay la qabsadeen laaluushka bixintiisa oo ay ku soo kharibmeen dawladihii kala duwana ee ay cabsida lacagta ku siin jireen, balse laf ahaantoodu waa inay ka baqaan Nacdasha rasuulka ee uu lahaa “Waxa nacdalan qofka laaluushak bixiya iyo ka qaata.”
Waxa kale oo shacabka ka maqan wacyigelin sharci oo ay caddaaladooda ku helayaan (Awareness of Access to Justice), taasina waxay tustaa qofka muwaadinka ah inuu xaq u leeyahay inuu dacwoodo amma is difaaco, waxaana loo baahan yahay in ardayda sharciga loo diro goobaha baadiyayaasha ah iyo magaalooyinka dhexdooda sida mararka qaarba Jaamacadda Hargeysa iyo garsoorku iska kashadaan ee ay sameeyaan, balse aan la joogtay, taasina waxay shacabka ka caawin karta in ay joojiyaan laaluushka iyo musuqmaasuqa (Extortion, corruption and Bribe) oo ah dambi, qofku halkuu xaq ka doonaayeyna ciqaab ku mutaysan karo.

Qareennada ah oo aan ogolayn jiilal da’ yar oo nasiya, faa’iido doona u batay
Qareennadu waxay ka mid yihiin mihnadlayaasha ku shaqaysta xirfadooda, isla markaana ah dadka aqoonta u leh xirfadda ay ku shaqaynayaan, loogana baahan yahay in ay noqdaan dad aqoon u leh sharciga iyo doodaha sharci si ay u difacaan dadka macaamiishooda ah (Client), waxaanna inta badan is hayaan Xeer-ilaaliyayaasha oo ah kuwa iyagu dambiga ku soo ooga cid amma waxay ka difacaan qof macmiishiisha ah oo dacwad madani ah lagu soo oogay.
Haddaba, Somaliland waxa leedahay urur qareenno oo la aas aasay bishii June 2004, kaasoo la yidhaa SOLLA (Somaliland Lawyer Association), kuwaasoo dhammaan qareennadu ku midoobeen, hoos tagaana, si ay u yeeshaan meel loogu soo hagaago amma ay u noqdaan xirfadlayaal isku xidhan.
Qareennadu waxay qayb laxaad leh ka qaataan caddaaladda sugideeda, waana kuwa qof aan dambi lahayn sii daaya amma qof dambiile ah doodooda ku difaaca, iyagoo shaqo ka raadinaya, sharcigay dhigteena sidaas farayo in ay macaamiishooda difacaan maaha wax xun, balse waxa jira waxyaabo badan oo shaqadooda ah oo ay gabeen, kuwaasoo u baahan in ay ku dedalaan si loo saxo, xirfadoodana loo sii horumariyo.
Maadaama ururka qareennada ee SOLLA yahay isha qareennadu ka soo baxaan, isla markaana dhaliil kasta oo ay yeeshaan qaadaya, iyadoo mabaadii’da ama falsafada ururkaasi tahay inay sameeyaan tababaro amma aqoon fidin, balse, inay aqoon fidiyaan ama  dhiirigelin sameeyaan  iska daayoo, waxayna wax dhiirigelin ahba siin  aqoon fidin ee ardayda ka soo baxda jaamacadaha, sharcigana bartay ee u baahan gacan qabashada si ay qareenno u noqdaan, taasina waxay keentay in da’ yartu u bataan in ay noqdaan Xeer-ilaaliyayaal amma Garsoorayaal, taasoo u fudud amma dawladdu u fududayso, inkastoo laf ahaanteedu aanay sidaa u badnayn dadka la qaataa, laakiin waa dad ku filan shaqada inay qabtaan.
Ururrada caalamka ee sharciga ka shaqeeya amma shirkadaha sharciga ka shaqeeya waxaad arkaysaa iyadoo arday da’ yar ah la soo saarayo, loona carbinayo qareennimo, taasina waa wax ka maqan looyaradeenna oo ku mashquulsan in ay faa’iido uun ku helaan xirfadooda oo aan hoos u eegin jiilasha ka dhaxli lahaa aqoonta ay huwan yihiin ee u baahan in la gala hadho.
Ururka Qareennadu waxa siyaasadooda ka mid ah in ay wacyigelin sharci amma caawin sharci (Legal Awareness and Legal Aid) sameeyaan, balse ma laha wargeys sharci oo ay dadka ku fahansiiyaan sharciga, iska daa wargeys ee xataa af iyo qoraal kooban toona kuma soo saaraan, haddii ay intaa samayn lahaayeena shacabku waxay wax badan ka fahmi lahaayeen nidaamka caddaaladeed ee dalkooda jira iyo shuruucdaba, inkastoo aanay shaqadooda rasmiga ah ahayn, haddana waa wax qabad la’aan dhaliisheeda ay yeelanayaan.
Waxa muddooyinkan dambe aad isu xilqaamay ururka qareennada haweenka ee SWLA (Somaliland Women Lawyers Association), kuwaasoo doorkii ugu dambeeyey dhiirigelin badan u sameeyey hablo da’ yar oo Jaamacadda ka soo baxay, una qabtay tababar 6 bilood socday, balse qareennada ragga ah intaas waa laga waayey, nin kastaana goonidiis ayuu u qadhaabsi iyo manfac doontay.
Geesta kale, dalka Somaliland ma jiraan shirkaddo sharci (Legal Firms), kuwaasoo ku shaqaysta xirfadooda, culayska badana ka qaadi lahaa caddaaladda, lana heli lahaa qareenno xirfad fiican leh oo aqooni hagayso, sababtoo ah garyaqaanimadu waa waxyaabaha u baahan in qofku uu dhisnaado sharci ahaan iyo diin ahaanba si aannu xayndaabka caddaaladda u dhaafin.
Xildhibaanno Sharci-dejinta oo ku Maxaafsada Garsoorka:
Waaxyaha Sharci-dejinta iyo Garsoorku waa laba waaxood oo ka mid ah hay’adaha qaranka dhisa, waana laba qaybood oo kala madaxbannaan, lamana ogola in ay isku milmaan, sababtoo ah haddii shaqooyinkoodu isku dhex qasmaan waxa imanaysa in kala xaddayntii shaqooyinku meesha ka baxdo, dano gaar ahna yimaad amma masaaliixdu is khilafaan (Conflict of Interest), sidaa darteed dastuurka Somaliland, qoddobkiisa 71aad wuxuu reebay in xildhibaanku xilkiisa danno kale uga faa’iidaysto amma uu xil kale qabto, waxaannu qoddobku u dhigan yahay  “Xubinta Golaha Wakiillada uma bannnaana in ay qabato xil kale oo qaran, iyada oo xilkii loo doortay haysa; umana bannaana inay uga faa’iideysato xilkaasi dano gaar ahaaneed.”
Xeerka Qareennada (Xeer No. 30/2004), kaasoo dhawaan xildhibaannada Golaha Wakiilladu Wax-ka-beddel iyo Kaabis ay ku sameeyeen 2013, saxeexa dhaqan-galkana Madaxweynuhu ku duugay waxa uu mancinayaa amma diidayaa in ruqsad la siiyo qof ka tirsan Golayaasha Qaranka (Guurtida, Wasiirrada & Wakiillada) iyo ciidammada, taasoo laga hortagaayo in ay meesha yimadaan masaaliix is khilaafa amma dano shakhsi ahaaneed looga faa’iidaysto mihnada qareenimo oo muhiim u ah sugida caddaaladda. Qodobka 2aad ee Xeerka Qareennada Somaliland wuxuu dhigaya:  ‘Qofna lama siin karo ruqsadda Qareenimo haddii uu ka tirsanyahay Golayaasha Qaranka ee (Guurtida, Wakiilada iyo Xukuumadda) Golayaasha Deegaanka, Shaqaalaha Dawlada iyo Ciidamada.”
Haddii aan u dhaadhaco nuxurka, waxaad sannadadii u dambeeyey maqlayseen Wasiirka Caddaalada iyo xildhibaanno ku shaqaysta mihnada qareennimo oo isku haysta xaq uma lihidiin ruqsada in la idiin siiyo iyo waannu u leenahay oo xirfad iyo mihnad ta Injineernimada iyo dhakhtarnimada la mid ah weeyaan, waanay ku shaqaystaan xirfadaas, balse hubaal sababta qareennimadu uga duwan tahay mihnadaha kale waxa weeyaa waax la mid ah sharci-dejinta, garsoorkaanay ka mid tahay.
Waxa kale oo la kala ilaalinaay maadaama uu xildhibaanku xasaanad iyo awood badan leeyahay inuu awooddisa xildhibaannimo u adeegsado garsooraha kiiska qadaaya, meeshana ay timaado isku danaysi amma masaaliixdu is khilaafto, caddaaladiina halkaas ku lunto.
Haddaba, xildhibaannada mihnada ku shaqaysta waxay qayb ka yihiin in caddaaladda dhaawac ku yimaado, waxaana hubaal ah in sida sharcigu dhigaayo aan ruqsada la siin.


Xeerar Gaboobay oo aan Marna Wax Laga Beddelin, Qarankana Ceeb ku ah oo Garsoorku ku Hawlgalo
Somaliland waa qaran 23 jirsaday, isla markaana intaas xeerar samaysanaayey, balse waxaad mooda in xeerarka muddooyinkii Somaliland madaxbannaanideeda dib ula soo noqotay la ansixiyey amma la sameeyey ay yihiin qaar dano gaar ah laga lahaa, balse kuwii ummaddan u baahnayd aan la samayn.
Garsoorku xeerarka ugu muhiimsan ee uu ku shaqeeya waxa weeyaan Xeerka Ciqaabta Guud iyo Nidaamkiisa (Criminal/Penal Code and Its procedure) iyo Xeerka Madaniga iyo habkiisa (Civil Code and its Procedure), kuwaasoo ah xeerar laga dhaxlay dawladihii kala duwana ee Somaliya.
Xeerka Ciqaabta Guud (Penal Code) waxa la diyaariyey 1957, taasoo ay diyaarisay Maxkamadii Caddaaladda ee Somaliya (Court of Justice), kadib markii degreeto uu 1962 soo saaray Madaxweyne Aaden Cabdulle Cismaan Daar (Aaden Cadde) uu ku dalbaday in nin la odhan jiray Renato Angeloni uu dhammaystiro qabyo qoraalka xeerka si si deg deg ah loogu dhaqangeliyo. Waxaannu dhaqan galay 2 April, 1964kii,
Asal ahaan Xeerkan waxa uu ka soo jeeda Xeer ciqaabeed 1860 Hindiya lahayd (Indian Penal Code (1860), halka Xeerka Nidaamka Ciqaabta uu ku salaysan yahay Xeer Ciqaabeed Hindiya lahayd iyo Xeer Caddaymaha ee Hindiya lahayd 1872 (Indian Code of Criminal Procedure and Indian Evidence Act 1872).
Geesta kale, Xeerka Madaniga oo waqtigii Soomaaliya la odhan jiray (Law No. 37 of 2 June 1973), kaasoo dhaqan galay 1 July 1973kii, waxaannu kelkelmad xeerkan ku salaysan yahay Xeer Madani oo Masar lagaga dhaqmi jiray 1948-kii, kaasoo dalal badan oo carab ah qaateen, waxaana dalka Masar ku soo rogay xeerkan Prof. Cabdelrazzak Al-Sanhouri, kaasoo sheegay inuu ka soo qaatay 20 xeer Madani oo dalal Islam ah ku dhaqmi jireen, halka Xeerka Habka Madaniga (Law No. 19 of 27 July 1974) oo dalka Soomaaliya ka dhaqangalay 21 October 1974kii uu ku salaysan yahay Xeerka Habka Madaniga oo dalka Talyaaniga lagaga dhaqmi jiray ku dhawaad boqol sanno ka hor.
Dhammaan xeerarkaas waa qaar qarniyo ka hor la isticmaali jiray, isla markaana ay iska dhaxleen dawladihii kala duwanaa ee Somaliya soo maray, waxaana ceeb ah in Somaliland 23 sanno ee ay jirtay marna aanay wax-ka-beddel ku samayn xeerarkan amma aanay kuba fikirin in xeer-dejinta, fulinta iyo garsoorkuba isku hawlaan inay soo saraan xeerar dalka manfaq u leh oo xaaladda hadda lagu jiro la waafaqsan.
Guddida Caddaalad waxa seegtay in ay codsadaan in xeer loo sameeyo, maadaama aan shaqadoodii ahayn in ay xeerar dejiyaan amma sameeyaan, una gudbiyaan barlamaanka iyo Madaxweynahaba, halka Golaha Wakiilladu aanay marnaba isku hawlin in xeerarkan qaranimada Somaliland ceeb ku noqonaya beddelaan, sababtoo ah xeerarkan waxa laga dhaxlay Soomaaliya, dastuurkuna Somaliland qodobkii 10aad (1aad) waxay sheegtay in dawladda Somaliland dhawrayso heshiisyadii dawladii la odhan jiray Soomaaliya la gashay waddamada caalamka, haddii aanay ka hor imaanayn danta iyo maslaxada Jamhuuriyada Somaliland.
Dhanka kale, xeerarkan laf ahaantoodu waxay ka hor imadaan xuduuda qaybo badan oo ka mid ah, xuduuduna waa Xaqulah, lamana cafin karo, sidaa daraadeed waxa Guddida Caddaaladdu samayn karta in ay Shareecada Qodobayso oo ay sida dalka Suudaan iyo waddamo kale oo islaam ah shareecada qodobo ka dhigto, kadibna xeer-ciqaabeed  ka dhigaan, taasna laga ansaxiyo Barlamaanka.
Xeerarkan qadiimiga ah ee ceebta qaranimo soo jiidaya waxay qayb ka yihiin waxyaabaha dabarka ku ah caddaaladda, isla markaana dib u habaynta garsoorka ee xukuumaddan ku faanto aan marna lagu drin in xeerarkana la iska kaashado sidii loo habayn lahaa.
Talo soo Jeedin
Garsoorka, Xeer-dejinta iyo Xukuumadda waxa la gudboon in ay dhammaan waxyaabahaas oo dhan naaqishaan, hadday cudur daar u hayaana shacabka uga jawabaan waxyaabaha ay u qabsoomi wayaan, haddii ay ballanqaadayaana ku dhaqaqaan waddadii loo mari lahaa in lagu hagaajiyo.
Dhammaan galdaloolooyinkaas waa qaar u baahan in shicib iyo dawlad ba meel looga soo wada jeesto, lagana wada shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa, maadaama caddaaladdu tahay shayga qaran dhisa amma dumiya.
Shacabku haddii ay caddaalad doonayan waa in ay sharciga sidiisa ugu dhaqmaan laaluushka, hadyad khiyaameedka iyo wasakhaynta garsoorka iyo saraakiisha dawladaba ka waan toobaan.
Su’aalo:
1.      Garsoorku ma wuxuu noqday Waax la hilmaamay?
2.      Ma caddaaladda laga Maarmay?
3.      Maxa Keenay in Garsoorku u baahdo xoolaha yar ee dadweynaha?
4.      Ma Sababay in Xeerar qarniyo ka hor la isticmaali jiray aynu ku dhaqano?
5.      Qareennada (SOLLA) ma waxay dan moodeen in ay qadhaabsi ku foognadaan?
6.      Sharciyaqaannadu Maxay Garsoorka ugu gurman waayeen oo uga hadli waayeen galdaloolooyinkiisa?
7.      Xukuumaddu ma waxay doonaysa in Garsoorku ka mid noqdo waaxaheeda?
8.      Xeer-dejintu ma waxay xilka u hayaan in ay danahooda ku qabsadaan?
9.      Culayska Kiisaska ee Maxkamadaha Fuushay maxa Sababay?
10. Madaxbannaanida aynu haysano miyaanay carqaladaynayn Xeerka Soomaliya ku dhaqmi jirtay in aynaan beddelin 23 sanno, miyaanay ceeb inagu ahayn in la yidhaa qaran baad sheeganaysaan xeer yarna waad samaysan kari waydeen?

No comments:

Post a Comment