Humaag Beeneedka Farxada
Qof kasta oo bin’aadam ah waxa uu raadiya farxad, waxaannu geed
dheer iyo mid gaaban u fuula sidii uu u heli lahaa degenaansho nololeed. Waxa
ugu badan ee farxada laga raadsha waa in qofku uu tabcado maal uu baahiyihiisa
aasaasiga ah ku daboolo.
Qofku inta uu adduunka ku nool yahay wuxuu u baahda inuu buuxiyo amma daryeelo baahidiisa calooleed iyo ta jinsi. Marka uu baahida
caloosha guto wuxuu u baahda mid jinsi, haddii uu labada isku helana wuxuu
raadsha wax uu dadka kale kaga duwan yahay oo uu ku kasbado qadirin iyo in la
xurmeeyo, haddii uu xurmo helana wuxuu jecel yahay in wax maamulo, haddii uu maamul
helana wuxuu u baahda in loo adeego.
‘Waqti hore waxa jiray boqor aad u jecla gabadh uu dhalay, inta
badana ku dedaali jiray inuu farxadeeda raadsho, wuxuuna siin jiray hadyad aad
u qaali ah oo dadka deegaanka u ka taliyaa aanay iibsan karin, iska daaye aanay
ku riyoon in ay helaan.
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu hadyad ahaan u siiyey silis ka
samaysan mid ka mid ah macdanaha adduunka ugu qaalisan ee loo yaqaan dheemanta
(Diamond). Siliskii ayaa laga xadday gabadhii, taasina waxay keentay in dadkii
boqortooyada ka tirsana oo dhan ay baadi-goobaan, balse qofna ma helin. Dadka
qaar baa ku andacooday in shimbir xadday
oo liqday, sidaa darteed waxa boqorkii qasab ku noqotay inuu ballanqaado
abaalmarin, waxaannu ku dhawaaqay inuu $50,000 (Konton kun oo doollar) siinaayo
qofka soo hela ee u keena siliskaas.
Qof kasta waxa uu u tafaxaytay inuu helo lacagtaas abaalmarinta
ah, waxaana meel kasta laga raadiyey siliskaas boqorku hadyada u siiyey
inantiisa. Mid ka mid ah dadka
boqortooyada ka hoos shaqeeya oo ku sii socda gurigiisa, kaasoo
lugaynaayey meel webi ah, gaar ahaan webi ku ag yaal dhul warshadeed oo aad u
wasakhoobay. Waxa uu indhaha ku dhuftay iftiin amma shay ka dhex walac leh
webiga, kadib markii uu eegay waxa uu arkay siliskii dheemanta ahaa.
Waxa uu go’aansaday inuu isku dayo soo saarista siliska, kadibna
uu helo abaalmarinta lacagta ah ee boqorku ballanqaaday. Waxa uu gacanta
geliyey biyaha webiga oo aad u wasakh badnaa, waxa uuu isku dayey inuu soo
jiido siliska, balse wuu soo qaban waayey, kadib inta uu gacantii kala soo
booday ayuu dib u eegay, haddana waxa uu arkay siliskii oo ku jira.
Wuxuu isku qanciyey in uu meel kale qabsaday oo uu gacanta la
waayey, kadib wuxuu hore u galay webiga wasakhda ahaa, isagoo gacmahiisa oo dhan
geliyey si uu siliska ula soo baxo. Cajiib, haddana wuu soo qaban kari waayey
fargalkii! Inta uu ka soo baxay ayuu dul istaagay isagoo welwel badan ka
muuqdo, aadna u murugaysan.
Waxa uu hadda dib u eegay
siliskii oo uu ka qanciwaayey, sababtoo ah abaalmarinta lagu doonaayo oo
aad u badnayd, waqtigan waxa uu go’aansaday inuu la soo baxo, kadibna wuxuu
quusay webigii, inkastoo uu webigu uu ahaa mid wasakhoobay, haddana si uu ula
soo baxo wuxuu dhex quusay uskagii, meel kastana wuxuu ka baadhay siliskii,
balse wuu waayey oo inuu la soo baxo wuu ku guul darraystay.
Waqtigan murugadiisii way ka sii dartay sidii hore, rafaadna wuu u
dhammaaday, waannu ka soo baxay biyihii, isagoo cadho bastii ah, maadama aanu
siliskii uu biyaha wasakhda ah u galay helin.
Waxa goobtii dul yimi nin Wadaad ah oo arkay rafaadka ka muuqda
ninkan, kaasoo damcay inuu caawiyo amma uu wax ka oggaado xaaladiisa, balse
ninka sarkaalka ah muu doonayn inuu Sheekha la wadaago waxa uu arkay, sababtoo
ah wuxuu ka baqay in haddii uu u sheego uu la soo baxo, kadibna abaalmarinta
qaato.
Waxba umuu sheegin oo wuu iska aamusay, balse sheekhu wuxuu
arkaayey rafaadka iyo murugada ka muuqada, waxaannu la socodsiiyey haddii uu u
sheego amma la wadaago dhibaatada haysata in aanu cidna uga sheegayn, taasi
waxay keentay in ninkii shaqaalaha boqortooyada ka midka ahaa uu uu ku dhiirado,
go’aansadana inuu u sheego wax kasta sheekha. Waxa uu uga warramay siliskii iyo
dhacdadiisa, sida uu isugu dayey inuu webiga ugala soo baxo ee uu u awoodi
waayey. Waxa uu Sheekhuu u sheegay bal inuu xagga sare eego oo ahayd laamaha
geed ku dul yaalay webiga, xagga uu kaga dawakhay webiga wasakhda.
Ninkii boqortooyada ka tirsana wuxuu eegay geedkii, nasiib wanaag
wuxuu arkay siliskii oo ka soo laallaada, waxaannu oggaaday waxa uu la
xarbiyaayey inuu soo qabsado in ay ahayd humaag beeneedka siliska geedka ka soo
laalaada ee biyuhu u samaynayeen.’
Akhristayaal, farxada adduunyo waa sida webigaas wasakhaysan,
sababtoo ah waa humaag beeneedka farxada rasmiga ah ee dunida. Weligeen ma
gaadhayno farxada aynu raadinayno, xataa haddii aynu si adag oo aan nasasho
lahayn u raadino amma ugu shaqaysan adduunyada.
Qof kasta haddii uu ko reego oo Ilaahay xasuusto oo ah isha kaliya
ee farxada bixin karta, iskana daayo iska daba ridka farxada adduuno waa hubaal
in aanu habeena murugoonayn. Farxada caqiido waa farxada kaliya ee qofku ku
qanci karo inta uu if iyo aakhiraba joogo....
Ibraahim Khadar Siciid (ibraahimkhs@hotmail.com)
No comments:
Post a Comment