Shan Arrimood Muslimku Ikhtiraaceen Waa Hore oo Hadda Wax ka Beddelay Dunida
1. Kafeega ama bunka:
Sida lagu
ogaaday daraasado la sameeyey, in ka badan hal milyan koob oo kafee ah ayaa
maalin kasta lagu quutaa adduunka guudkiisa, halka balaayiiin dad ah ka
dhigteen inay si joogto ah u isticmalaan cabbitaanka bunka, balse dad aad u
tiro yar ayaa ilaa hadda og in isticmaalka kafeegu asal ahaan uu ka yimi
Muslimka.
Sida
taariikhda lagu hayo sannadkii 1,400 kii waxa cabbista kafeegu aad caan uga
noqday muslimjiintii Yemen ku dhaqnayd amma koonfurta Jasiiradda Carabta, laakiin
dadka qaar waxay ku doodaan in asal ahaan Itoobiya ka yimi.
Sababta lagu
ogadaay waxay ahayd nin dhalashadiisa lagu murmo inay Yemen iyo Itoobiya ahayd
oo khubarada taariikhdu aanay isku raacsanayn uu ka war helay riyo uu lahaa oo
inta ay cuneen midhaha kafeega ay noqdeen qaar aad u tamar badan oo firfircoon.
Wixii intaa ka dambeyeey waxa midhahaas lagu darsan jiray biyo inta laga dhigo
daqiiq, kadibna la cabi jiray, waana sidaas sida uu kafeegu ku soo baxay.
Marka laga
yimaado dhacadada ninkaas xoola raacatada ah ee muranku ka jiro, haddana
kafeega waxa laga helay dhulka joogiisu sarreyo ee Yemen, waqtigii
boqortooyadii Cismaaniyiintu ka talinaysay dhulka Islaamka, gaar ahaan qarnigii
15aad, waxaannu cabitaanka kafeegu ku fiday guryaha caasimada waaweyn ee
islaamka sida Qaahira, Istanbul, Dimishiq, Baqdaad.
Cabitaankan
waxa uu aakhirkii gaadhay qaaradda Yurub oo ay geeyeen ganacsato, kaasoo ka mid
noqday dhaqanka Yurub, meelaha kafeega lagu cabbaa waxa ay ka mid noqotay
sannadkii 1600 kii goobaha ay ku kulmaan filosofarrada waaweyn, iyagoo ku falan
qayn jiray arrimaha markaas ay maskaxdooda ka hindisaan, doorka dawladda iyo
waliba arrimaha maamulka. Doodahan kafeega ka dhashay waxay keeneen kacaankii
ikhtiraaca (The Enlightenment) amma mid ka mid ah dhaqdhaqaaqyadii maskax-maalka
ee dunida casriga ah.
Kafeega oo ka
yimi xoolo-raacatada Yemen amma Itoobiya waxa uu u gudbay dunida casriga ah ee
Yurub ka mid tahay, iyadoo wax ka badan hal milyan oo koob maalin kasta la cabbo.
2. Al-Jebra
(Algebra)
Dugsiyada sare
ee adduunku waxa aad ugu adag amma ay ardaydooda iyo macallimiintodu la dalai
dhacayaan xisaabta Al Jebra, kuwaasoo aan jeclaysan, balse waxyaabo badan oo
adduunka ah lagu qabto, waxaanay ka mid tahay waxyaabaha Muslimku soo
kordhiyeen ee dunida wax badan ka tartay, gaar ahaan waqtigan casriga ah.
Waxa ogaaday,
dunida u soo saaray saynisyahankii iyo khabiirkii xisaabta ee Maxameed Ibn Musa
Al Khawarizmi, kaasoo noola laga bilaabo 780 ilaa 850-kii kuna noola Beershiya
iyo Ciraaq. Buuggiisa la yidhaa Al Kitab
Al Mukhtasar Fi hisab Al Jabr Wa-l-Muqabala amma xallinta xisaabaadka iyo
dheellitirkooda waxa uu ku sheegay amma uu ku dejiyey aasaaska mabaadii’da
xisaabta Al Jebra. Erayga Al Jabr ee buugga magaciisa ka muuqda macnahiisu waxa
weeyaan dhammaystir, taasoo u taagan kelmada Latiinka ah ee Algerbra.
Sidoo kale
buugga Al Khawarizmi waxa uu ku sharraxay sida loo isticmalaayo is leegyada Al
Jebra, gaar ahaan marka lagu xalilnayo xisabaadka dunida dhabta ah sida
xisaabinta Sakada amma dhaxalka oo kale qaybintiisa.
Buuggaagta Al
Khawarizimi uu qoray waxa loo turjumay Latin amma luqadda Yurub intii lagu
jiray sannadihii 1,000-kii amma 1100kii.
Xalka Al Jebra
ee soo saaray waxay faa’iido u noqotay injineernimada, mana suurtogali jirin in
xalal loo helo haddii aan xisaabtaas amma mid u dhiganta la heli lahayn.
3. Shahaadada Digriga (Degree) ee jaamacadaha laga
qaato
Marka laga
hadlaayo Jaamacado waa arrin ay Muslimiintu muhindiseen amma dunida islaamka
laga yaqaanay. Marka la eego taariikhda islaamka masaajidadu waxay ahaayeen
goobo waxbarasho. Imaamada tujiya amma waqtiga saaladada dadka hoggaamiya waxay
wax bari jireen arday ay u dhigi jireen cilmiga Islamka sida Quranka, fiqiga
(Falsafada islamka) iyo xadiisyada. Waana halka ay tacliintu ka soo bilaabantay
madarasidadu amma malmaacadu.
Jaamacadii ugu
horraysay ee Karauine
Dugsigii amma
Jaamacadii ugu horraysay ee caalamka laga aasaasay waxay ahayd al Karaouine oo
dhidibada loo taagay sannadkii 859 taariikhda milaadiga oo ay furtay Fatima Al
Fihri, gaar ahaan waxa laga furay degaanka Fes oo ku yaal dalka Marooko.
Dugsigan haweenaydaas furtay wuxuu soo jiitay qaar ka mid ah culimadii
hoggaaminaayey cilmiga waqooyiga Afrika, waxaana ka soo baxay araydii ugu
qiimaha badnayd xagga aqoonta dhulkaas.
Ardayda ka soo
baxday Jaamacadan amma dugsigan waxay ahaayeen qaar barta cilmiga diiniga iyo
ka maadiga ahba. Marka waxbarashadu u dhammaato haddii macallimiintoodu u
arkaan inay u qalmaan in shahaado la siiyo waxay siin jireen shahaado loo
yaqaannay Ijaza, taasoo u taagnayd in ardaydu fahmeen casharadii la siinayey,
waqtigana u qalmaan in ay macallimiin noqon karaan.
Arrintana
waxay ku fiday dunida islaamka, kadib waxa sannadkii 970 magaalada Qaahira ee
dalka Masar laga aasaasay Jaamacadda Al Azhar oo hadda ah mid caan ah, halka
100- Seljuks ay aasaaseen kumanaan madaaris ah oo Bariga Dhexe laga hirgeliyey,
aakhirkiina shahaadada dikriiga ee Jaamacadu bixisa wuxuu ku fiday Yurub,
iyadoo ay gaadhsiiyeen Muslimiintii Spain ku dhaqnayd, halkaas oo ardayda Yurub
u dhalatay u safri jireen si ay waxbarasho uga soo qataan
Jaamacadda
Bologna eek u taal Talyaaniga iyo Jaamacadda Oxford ee England waxa la kala
aasaasay qarnigii 11aad iyo 12aad, waxaanay halkaas ka sii qaadeen shahaadii
Muslimiinta ee dikriiga ahayd oo ay siin jireen ardayda u qalanta, aakhirkiina
ay bilaabeen in qofka shahaado lagu siiyo si uu wax gaar ah takhasus ugu qaato.
4. Muusiga
Baanbayda la yidhaa ee ciidammada Millaterigu Garacaan
Arday aad u
tiro badan oo dugsiyada amma Jaamacada reer galbeedka ka soo baxa waxay aad u
yaqanaan baanbayda amma turbaan kooxeedka, kaasoo ay garacaan koox boqolaal
muusigiiste ah, sidaa darteed muusiga xilliyada ciyaaraha lagu jiro si dadka
loogu madadaaliyo amma ciyaaryahannada taageero loogu muujiyo waa wax dunida
meelo badan ka jira. Waqtigii la odhan jiray Budada Qoriga (Gunpowder age) ee reer
Yurub waxay askartooda ku dhiirigelin jireen marka ay dagaalada ku jiraan
durbaanka millateriga amma baanbayda hadda la yidhaa, laakiin asal ahaan
dhaqankan wuxuu ka yimi boqortooyadii Cismaaniyiinta waqtigii 1300 aadkii,
taasoo ka dhigtay ciidammadii boqortooyadan inay noqdaaan kuwa adduunka ugu
awoodda badan.
Muusiga
durbaanka ah ee ciidammadu waqtigaas tuman jireen waxay uga jeedeen in ay ku
cabsigeliyaan cadawgooda amma ku dhiirigeliyeen ciidanka laf ahaantiisa,
waxaana loo yaqaanay muusigan Meher Band, iyadoo kumanaan mayl laga soo maqli
jiray.
Waqtigii
Cismaaniyiintu qabsadeen dhulka Balkans loo yaqaan oo ku beegnayd qarnigii
14aad ilaa 16aad waxyaabaha ciidammada Cismaaniyiinta u fududeeyey in ay
dagaalladooda ku guulaystaan waxa ka mid ahaa durbaankan.
5. Kamarada
Shirkaddo soo saara
bilaayiin doollar ayaa lacagtooda ka hela sawira sida shirkadaha Istagram iyo
Canon, kuwaasoo inta badan ganacsigoodu ku xidhan yahay in ay sawirro soo saraan, balse hawshan amma ganacsigan
qabashadiisu waxay noqon lahayd mid aan waxba ka jirin haddi aan la heli lahayn
Kamarada, taasoo qarnigii 11aad uu ikhtiraacay saynisyahan Muslim ah oo la
yidhaa Ibn Al Haytham, kaasoo waliba dunida ku soo kordhiyey sida looga
faa’iidaysan karo kamarada iyo laydhka.
Ibn Al Haytham oo ka shaqaynaayey
boqortooyo Qaahira ka dhisnayd horraantii 1000aadkii, waxa uu ka mid ahaa
saynisyahannadii waqtigaas loogu qadarinta badnaa. Si uu haddaba cilmigiisa u
horrumariyo wuxuu soo saaray hab cilmiyeed ku salaysan sida cilmi-baadhista loo
sameeyo, kadib markii xabsi guru ay ku xukuntay Fatimid oo ahayd maamulihii
boqortooyadii Al Hakim.
Waxa uu waqtigaas awood u helay inuu
baadhitaan ku sameeyo sida laydhku u shaqeeyo, gaar ahaan daraasadiisu waxay ku
salaysnayd sida isha kamaradu u shaqayso. Ibn Al Haytham waxa uu noqday
Saynisyahankii ugu horreeyey ee ogaad in marka god amma dalool yar lagu xidho
seexarad yar oo laydhka aan sii daynayn in qalabka seexarada hor yaala uu ku
sawir maayo gudaha marka fallaadhuhu ku dhacaan, taasina waxay dhaxal siisay
inuu ikhtiraaco kamada, taasoo noqotay mid si sax ah u shaqaynaysa.
Ibn Al Haytham ikhtiraacidiisu waxay
hormood ka noqotay kamaradahan casriga ah ee adduunka maanta jira,
cilmi-baadhis la’aantiisuna maanta waxay meesha ka saari lahayn shirkaddo badan
oo ku faana sawirrada iyo qalabka lagu qaadaba...
Ibraahim Khadar Siciid (ibraahimkhs@hotmail.com)




No comments:
Post a Comment